Isimo ka soo jeeda Goboladda Sool Sanaag iyo Cayn oo muqdisho tegay

calanka khaatumo

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, waxaa lagu soo dhaweeyey isimo ka tegay gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Isimadan ayaa kala ahaa Ugaas Maxamuud Cabdullaahi, Garaad Cabdisalaan Xasan iyo Suldaan Siciid Cismaan Cali, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii soo dhaweeyey isimadan ayaa sheegay in odayaasha dhaqanku ay door-muuqda ku leeyihiin dowladnimada Soomaaliya.

Suldaan Siciid Cismaan Cali oo u hadlay isimada ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey, wuxuuna sheegay in ay dib ka sheegi doonaan u jeedada ay u yimaadeen Muqdisho.

Sidaan oo kale waxaa dhawaan Muqdisho gaaray isimo isugu jira Puntland iyo dowlad degaanka Soomaalida, kuwaas oo u tagay arrimo ay ka mid yihiin dhameynta heshiis beelo walaalo ah ay horey ugu gaareen degaanka Dhumay ee gobolka Sool.

Isimadan maanta gaaray Muqdisho ayaa wararku tilmaamayaan in ay qeyb ka noqon doonaan qorshahaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here