Isku day Kenya looga saari lahaa kiiska maxkamadda ICJ ee badda oo fashilmay

somalia kenya flag

 Maxkamad ku taal dalka  Kenya ayaa diiday codsi ahaa in Kenya ka baxdo ka qeybgalka kiiska maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), ee ku saabsan muranka dhinaca badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Garsoorayaasha maxkamada Sare ee Kenya, Kanyi Kimondo, Robert Limo and Anthony Mrima ayaa xusay Jimcihii in arrimiha ay dalbanayaan codsadayaasha lagu raadin doono si hufan, oo qaab diblomaasiyadeed ah, halkii ay maxkamad go’aan ka gaari laheyd.

Kiiskan ayaa waxaa diiwaan geliyey qareenno Kenyan ah oo gaaraya illaa 20 oo uu hoggaaminayo Kibe Mungai, kuwaas oo ku dooday in ka qeyb-galka dowladda Kenya ee kiiska ICJ uu ka hor imanayo dastuurka Kenya, sababtuna ay tahay in go’aanka maxkamadda uu wax ka beddeli karo “xuduudaha Kenya”.

Qareenada kiiskan wada ayaa sidoo kale doonayey in maxkamadda sare ay dowladda Kenya ka joojiso inay u hoggaansato go’aan kasta oo kasoo baxa maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda.

Maxkamadda ayaa go’aamisay in Kenya ay qeyb ka sii ahaato dacwada taala maxkamadda ICJ taas oo aan waxba iska badalin.

Kenya ayaa ku dooday, si kastaba ha noqotee, in kiiska aan laga dhageysan maxkamadda ICJ, oo ay sheegtay inay tahay mid adag oo laga yaabo inaysan xallin karin arrimaha siyaasadeed ee ku xiran kiiska.

Taas bedelkeed, waxay u martay Midowga Afrika iyo meelo kale, iyagoo raadinaya wada xaajood ka baxsan maxkamad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here