Isku shaandhayn laga filayo Muuse Biixi iyo xubnaha Gobolada SSC oo miiska saaran

madaxtooyada somaliland

Waxaa soo xoogeysanaya isku shaandhayn laga filayey Madaxweyne Muuse Biixi beryihii dambe la hadal ayey, iyadoo ay siyaasiyiin iyo waxgarad badani mudooyinkii ugu dambeeyey ku talinayeen inuu Madaxwenuhu Golihiisa Wasiirada ku soo daro wejiyo cusub oo wax ku kordhin kara tayada maamul ee Xukuumada Somaliland.

Dadka lagu xamanayo in seeftu qaadanayso ayaa la sheegayaa inay ka mid yihiin sadex Wasiir oo Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn kaga jira xukuumada Muuse Biixi, degaanadaas ayaa la filayaa inay dhowaan ku soo furmaan duufaan siyaasadeed oo ka soo butaacda DF ee Soomaaliya iyo Puntland oo muran joogto ahi uu Somaliland kala dhexeeyo, taas oo aanay waxba ka qaban karin wasiirada saameynta yar ee hadda xukuumada ku jiraa.

Wejiyada cusub ee aad loo hadal hayo oo laga yaabo inay bedelaan xubnaha Gobolka Sool, Sanaag iyo Cayn oo golaha Wasiirada lagu soo daro ayaa waxaa ka mid ah CABDI KARIIM SICIID AW CABDI Madaxa hayada SVO.

Xubnaha birtu saaran tahay ayaa durba bilaabay socdaalo iyo isku dayo madax-dhul-ladhaca, oo ay isku badbaadinayaan.

Inkastoo dad badani ay si weyn u jeclaysanayaan isbedel lagu sameeyo Xukuumadda Muuse Biixi, haddana xeeldheereyaasha siyaasada Somaliland ayaan ka rajo badan ka qabin inuu yimaado isbedelka loo baahan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here