Isku Shaandheyn lagu sameeyay taliyaasha ciidamada booliska gobolka Banaadir

taliyaha booliiska xijaar

Isku shaandheyn  cusub ayaa markale lagu sameeyay qaar ka mid ah taliyaasha ciidamada Booliska gobolka Banaadir.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Xijaar ayaa saraakiil u magacaaay xilal sare halka kuwa kalana xilalkii laga qaaday.

Lataliyaha sare Taliyaha ciidanka booliiska  ayaa loo Magacaabay Cabdifitaax Mire oo hore u ahaa taliyaha Saldhigga Wilyow Cadde

Yaasiin Nuur Kheyre Ganey ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska Dharkiinley

Gaashaanle Mahad Cabdi Xakiin Cumar ( Mahad Korow) ayaa  loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Waliyow Cadde.

Taliyaha Birmadka ciidanka boliiska ayaa loo Magacabay Yuusuf Hundubay oo horay u ahaa taliyaha Saldhig Galbeed

Taliyaha Daraawiishta boliiska ayaa laga dhigay Gaashanle sare Cabdulaahi Mire Siyaad

Taliyaha qaybta Galbeed ayaa loo magacaabay Maxamuud xuseen.

Taliyaha Laanta socotada cidanka boliiska Cabdirashiid Aadan Xirsi.

Taliyaasha saldhigyada iyo qeybaha gobolka Banaadir ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa lagu sameynayay isku shaandheyn iyo xilka qaadis lagu sameynayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here