Israa’iil iyo Iiraan oo qarka u saaran dagaal fool ka fool ah

israel and iran flag

Duqeymaha ciidamada cirka ee Israa’iil ay ku beegsanayaan bartilmaameedyo ku yaal gudaha dalka Suuriya ayaa muujinaya loollanka xooggan ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Iiraan, arrintaa oo muujineyso in mustaqbalka ay sababi karto isku dhac xooggan.

Iiraan ayaa dooneyso in ay xoojiso awooddeeda milatari ee gudaha dalka Suuriya, halka Israa’iil ay dooneyso in ay arrintaasi ka hortagto.

Balse Iiraan ayaan marnaba muujin in ay ka cajistay arrintaasi, waxa ayna xoojineysaa cududdeeda milatari, waxaana sidoo kale ay muujineysaa sida ay isugu kalsoon tahay. Labadani dhicac ayaa mid kastaa waxa uu doonayaa in uu iska ilaaliyo dhinaca kale, balse isku dhacyada labada dhinac ayaa mustaqbalka sababi karaya halis weyn oo ah in dagaal fool ka fool ah uu dhex maro.

Weerarrada iyo kala aargoosiga u dhaxeeya labadani dhinac ayaa ah kuwo in badan soo noqnoqday.

Duqeymaha Israa’iil ayaa laga yaabaa in ay ka dhasheen afar gantaal oo horraantii usbuucan laga soo riday dhanka xudduudda Suuriya, kuwaasi oo ay fashiliyeen hannaanka difaaca gantaallada ee Israa’iil.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in gantaalladaasi ay suurtagal tahay in Iiraan ay uga jawaabeysay weerar Israa’iil ay ku qaaday xulufada Iiraan ee gudaha dalka Ciraaq ama xitaa marinka Qasa.

Israa’iil ayaa duqeymo xooggan uga falcelisay gantaalladaasi. Waxaana goobaha ay duqeymaha labeegsatay lagu sheegay in ay xiriir la leeyihiin xoogga Qudus ee dalka Iiraan oo qaarkood ku yaal gudaha saldhigyada milatari ee dalka Suuriya.

Israa’iil ayaa weerar ku qaaday xarun ciidan iyo ilaa lix goobood oo ay yaalliin madaafiicda goobta si diyaaradaha Israa’iil ay halis la’aan hawlgallo uga fuliyaan gudaha Suuriya. Mas’uul sare oo ka tirsan Israa’iil ayaa laga soo xigtay in uu sheegay in weerarradaasi ay ahaayeen kuwo aargoosi ah oo aad u baaxad weynaa isla markaana ay ka dhasheen khasaare soo gaaray dalka Iiraan.

Farriinta Israa’iil ee ku wajahan xukuumadda Tehraan ayaa ah mid iska cad oo ah in weerar kastaa oo uga yimaada dhanka Suuriya looga jawaabi doono awood milatari. Waxaana haatan ay xoojineysaa cududdeeda milatari.

In kastoo Israa”iil ay in muddo ah wadday duqeymo dhanka cirka ah oo ay ku dooneysay in ay ku wiiqdo awoodda dalka Iiraan ee gudaha Suuriya, haddana xukuumadda Tehraan ayaa waxaa ka go’an in ay sii waddo dedaalladeeda ku aadan in saameyn milatari ay ku yeelato gudaha Suuriya. Iiraan ayaa xulufo la ah xukuumadda Bashaar Al-Asad, waxaana gudaha Suuriya ay u aragtaa meel muhiim u ah oo ay Israa’iil ka weerari karto. Waxaana sidoo kale ay tahay meel ay xiriir kala yeelan karto ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan.

Inkastoo tallaabooyinka ay qaadayaan labada dhinac ay yihiin kuwo caadi ah oo in muddo ahba ku guda jireen, haddana waxaa jiro arrimo badan oo muhiim ah oo isbadalay, kuwaa oo cadaawadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Iiraan gaarsiinaya heer halis ah.

IRAAN

Isbadalka ugu horreeya ayaa ah awoodda Iraan oo ka ballaaran intii hore.

Weerarkii bishii Sebteembar lagu qaaday wershadaha saliidda ee dalka Sucuudiga ayaa inta badan lagu eedeynayay Iiraan balse arrintaasi ayay xukuumadda Tehraan ku gacan seyrtay. Qaabka weerarradaasi loo fuliyay ayaa dad badan ka yaabiyay.

Israa’iil ayaa hadda dareemeysa in halis ay uga imaaneyso dhanka gantaallada Iiraan. Halista Israa’iil ay wajaheyso ayaa ah Iiraan oo dooneyso in ay taabba geliso gantaalladeeda riddada dheer iyo in ay awooddo in ay gantaalladaasi la beegsato bartilmaameedkooda oo sax ah iyo sidoo kale waxay dooneysaa in gantaalladaasi ay gacanta u geliso ururka xisbullah iyo kooxaha kale ee ku sugan marinka Qasa ee cadaawadda ay kala dhaxeyso Israa’iil.

Iiraan ayaa mashruucaani wadday in muddo ah, waxaana guusha mashruucani lagu muujiyay weerarradii lagu qaaday wershadaha saliidda ee Sucuudiga.

Inkastoo Iiran ay saarnaayeen xayiraado caalami ah, haddana waxay saameyn milatari ku yeelatay gobolka bariga dhexe. Arrintaasi ayaa lagu shaaciyay warbixin ay usbuucan shaacisay waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee the Pentagon, taa oo lagu qeexayay awoodda milatari ee Iiraan.

Mareykanka ayaa inta badan xog ka diyaariyo quwadda milatari ee waddamada Shiinaha iyo Ruushka, waxaana hadda la yaab noqotay in Iiraan uu la mid dhigay waddamadaasi.

Balse xukuumadda Tehraan ayaa sida lagu sheegay warbixinta Mareykanka uu shaaciyay waxay xoojineysaa saddex qeybood oo kala ah tayaynta gantaallada riddada dheer, tayaynta ciidamadeeda baddan si ay khalkhal u geliso marin biyoodyada Hurmuz iyo Khaliijka iyo tan saddexaad oo ah in IIraan ay adeegsato xoogagga iyada daacadda u ah ee ka hawlgalo waddamada Lubnaan, Ciraaq, Yaman iyo marinka Qasa.

ISRAA'IIL

Arrinta kale ayaa ah tallaabo diblomaasiyadeed oo ka dhashay ka bixitaankii ciidamada Mareykanka ay ka bexeen dalka Suuriya. Arrintaasi ayaa fursad siisay waddamada Turkiga, Iiraan iyo Israa’iil oo door muhiim ah ku leh siyaasadda gobolka. Waddamadani ayaa mid waliba waxa uu doonayaa in uu danihiisa gobolka ilaashado.

Bixitaanka ciidamada Mareykanka ayaa fursad weyn u ahayd dalka Ruushka oo ku dedaalayo sidii ay usii jiri lahayd xukuumadda madaxweyne Asad. Balse arrinta ugu muhiimsan ayaa ah in ay kasbato quluubta waddamada gobolka maadaama ay sii burbureyso saameynta Mareykanka ee gobolkaasi.

Inkastoo Israa’iil ay muddaba cadaadis ku saareysay Moscow in ay xakameyso awoodda Iraan, haddana taa ma aysan suurtagelin. Sidoo kale Ruushku waxa uu iska indha tirayay duqeymaha Israa’iil ay ka waddo gudaha Suuriya.

Arrimahani oo isbiirsaday ayaa halis gelinaya Israa’iil, gaar ahaan marka loo fiiriyo cududda iyo saameynta military ee Iraan ku leedahay gobolka.

Basle su’aasha ayaa ah marka labadani dal ay fool ka fool u dagaallami doonaan maadaama suurtagalnimada arrintaasi aysan marnaba shaki ku jirin.

BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here