Israel oo 150 billion oo dollar oo magdhow ah weydiisaneysa dalalka Carabta

netanyahu 832015

Israel ayaa isku diyaarineysa inay sheegato lacag dhan 150 bilyan oo doolar magdhow ah, taasi oo ay ka rabto dalalka Carabta, ayada oo sheegtay inay tahay hantidii Yuhuudda ee kaga soo tageen dalalka Carabta, oo ay kasoo carareen markii ay xoogga ku qabsanayeen dhulalka reer Falastiin, waxaa sidaa weriyey wargeyska Israel Today.

Qiyaasitaanka hantida Yahuuda ayaa la bilaabay 2002, sida uu tilmaamay wargeyska, waxaana sharciga dalbashada magdhowga loogu talagalay Yahuudda Carabta meel mariyey baarlamaanka Israel, sanadkii 2010.

Dalbashada magdhowga ayaa waxaa shuruud looga dhigay heshiis nabadeed oo ka dhaca gobolka iyo in gorgorton lala galo dowladaha Carabta, waxayna howshaas billaabatay sanadkii 2017.

Sida ay sheegeen warbixinnada warbaahinta Yahuudda, magdhowga la sheeganayo waxaa ku jira hanti la sheegay inay Yahuuda uga soo tagtay wadamada Ciraaq, Iran, Syria, Yemen, Masar, Morocco, Tunisia iyo Libya.

Bisha Janaayo ee sanadka cusub, waxay Israel qorsheeneysaa inay dowladaha Carabta waydiisato magdhow qiyaastii ku kaceyso 250 bilyan oo doolar kadib markii Tel Aviv ay sameysay baaritaan ku aadan hantida ay Yahuuda uga soo tagtay wadamada Carabta.

Urur ay ku midoobeen waalidiinta Yahuuda ayaa sheegay in ku dhawaad 856,000 oo Yahuud ah oo ka kala socda 10 waddan oo Carab ah – oo ay ku jiraan Algeria iyo Lubnaan – ay ka carareen ama la eryey sanadkii 1948.

Sida ay sheegtay Idaacadda ruushka ee RT, George Galloway oo ah xildhibaan hore oo Ingiriis ayaa dhalleeceeyay tallaabada Israel ay ku raadineyso magdhowga, wuxuuna sheegay in Israel ay duqeyn ku baabi’isay hubka nukliyeerka ay Ciraaq laheyd, isagoo is waydiiyey haddii ay israa’iil arrintaas ka bixineyso magdhow.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Israel ay xoog ku qabsatay qeybo kamid ah dhulka Syria sida Golan Heights, halkaasina ay mar kasta kala baxdo saliid, wuxuuna is waydiiyey haddii ay Israel diyaar u tahay inay arrintaas magdhow ka bixiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here