Israel oo maxaabiista Falastiiniyiinta ku TIJAABISA dawooyinka cusub

maxaabiista falastiin

Bare-sare (prof) Israeli ah oo la yiraahdo Nadera Shalhoub-Kevorkian ayaa daboolka ka qaadday in ay dowladda dalkaasi ay sharikaadka dawooyinka farsameeya u fasaxday in ay ku tijaabiyaan maxaabiista ay dhulkooda haystaan ee reer Falastiin, sida lagu faafiyey Felesteen.ps.

Warqaadka Times of Israel ayaa isna weriyey in Barahan oo khadiibad ka ah Hebrew University ay kashiftay in sidoo kale ay Ciidamada IDF ay hubka cusub ku tijaabiyaan carruurta Falastiiniyiinta ee ku sugan xaafadaha ay degaamaystaan Yuhuuddu, ee Quddusta la haysto.

Iyada oo ka hadlaysey Jaamacadda Columbia University ee New York City, Shalhoub-Kevorkian ayaa sheegtay inay hayso xogo badan oo ay soo ururisay, jeer ay daraasad ku diyaarinaysey Jaamacadda Cibraaniga ee  Hebrew University.

“Dhulalka Falastiin waa sidii shaybaar wayn, waxaana isticmaalaya sharikaadka waawayn ee rayidka ah iyo kuwa ciidamada“ ayay tiri.

Bishii Luulyo 1997-kii, Warqaadka Israeli-ga ah ee Yedioth Ahronoth ayaa qoray war uu kasoo xigtey Dalia Itzik, oo madax ka ahaa Guddi Hoosaad ka tirsan Keneset-ka Yuhuudda oo sheegay inay sharikaadka dawooyinka u sameeyeen ogolaansho ”sharci” u fasaxaya inay dawooyinka ku tijaabiyaan maxaabiista reer Falastiin. Waxaa tijaabadaa lagu fuliyay maxaabiis fara badan, iyadoo la sameeyay ilaa 5,000 oo tijaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here