Israel oo shaacisay heshiis aan horey u dhicin oo ay la saxiixaneyso dalka Khaliijka

netanyahu 832015

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israel, Israel Katz ayaa sheegay inay doonayaan inay dowladaha Khaliijka la saxiixdaan heshiis aan la isku soo gardarrooneyn maadaama labada dhinac ay ka siman yihiin dagaalka lagula jiro dalka Iran.

Wasiirkaan oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Debadda ee Bahraini Sheikh Khalid bin Ahmed Al Khalifa Bishii July ayaa Axaddii shalay aheyd Twitter-kiisa kusoo qoray in ujeedka kulankaas uu ahaa sidii looga wada hadli lahaa heshiis nabadeyd oo mustaqbalka lala saxiixdo dowladaha Carabta.

Dhammaan Dowladaha Carabta oo gaarayo ilaa 22 Dowladood marka laga reebo Masar iyo Jordan ma aqoonsano Israel maadaama ay xoog ku heysato dhulal Carbeed oo ku yaalo dalalka Falastiin iyo Siiriya.

“Maalmahaan dambe waxaan waday wadahadalo siyaasadeed oo ay maalgelineyso Dowladda Mareykanka kaasoo heshiis aan la isku soo gardaroon loola saxiixanayo Dowladaha Carabta” ayuu Twitte-rkiisa kusoo qoray Israel Katz.

“Tallaabadaan taariikhiga ahi waxay soo afjari doontaa Khilaafaadka waxayna Shacabka u ogolaaneysaa Iskaashi inta laga saxiixayo heshiisyada Nabadeed” ayuu sii raaciyey.

Waxay u muuqataa inay tallaabadaan tahay middii ugu dambeysay oo ay Israel ku dooneyso inay xiriir kula sameysato Dowladaha Carabta oo aan aqoonsaneyn sidoo kalana aan la laheyn xiriir Diblomaasiyadeed.

Qabsashada Israel ee dhulalka reer Falastiin ayaa caqabad weyn ku aheyd Heshiisyo nabadeed oo ay la gasho Dowladaha Carabta balse sanadihii dambe waxaa muuqato inay isku soo dhawaanayaan kadib walaac xooggan oo laga qabo dowladda Iiraan.

Taageerada ay Iran siiso Kooxaha ka dagaalamo Syria, Iraq, Lebanon iyo Yemen ayaa walaac xooggan ku hayo dowlado badan oo ay ugu horreeyaan Sacuudiga iyo Israa’iil.

Khudbadii uu Katz ka jeediyey shirkii Qaramada Midoobay ee dhacay dhammaadka Bishii September ayuu ku sheegay inay Iran qalqal gelin ku heyso Amniga Bariga Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here