Itoobiya: “dowladdu waxay ku qasbanaatay in ay qaaddo tallaabo adag”

ethiopian army

Qulqulatooyinka ka taagan galbeedka deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya si ay wax uga qabato waxay dowladda Itoobiya dhawaan deegaannadaasi ka howl gelisay ciidamo ammaanka sugo.

Inkasta oo ay dowladdu horay u sheegtay iney ciidamadeeda ay u howlgelisay iney shacabka weerarrada uga imanayo kooxaha hubeysan ay ka difaacdo haddana, sida baraha bulshada la isla dhex marayo waxaa ciidamada dowladda Itoobiya laftooda lagu eedeeyaa iney qayb ka yihiin dhibaatada shacabka loo geysto.

Haddaba abaanduule ku xigeenka ciidamada Itoobiya General Birhaanu Julaa oo BBC laanteeda Amxaariga oo amuurtaasi iyo guud ahaan xaaladda amni ee dalkaasi Itoobiya wareysi la yeelatay.

“Ciidamada aan anigu hoggaamiyo shacab ma waxyeelleeyaan”

Ciidama tira badan oo ka tirsan wasaaradda gaashaan dhigga ayaa laga howl geliyey galbeedka deegaanka Oromada gobollo ku yaallo, taliska ciidanka halkaasi ka taliyana adeegyada interneetka iyo taleefannada gacantooda ayey ku jiraan.

General Birhaanu Julaa wuxuu si adag u diiday iney ciidamada uu isagu madaxa u yahay inay shacab dhibaata u geysteen.

“Arrintaasi waa khalad, xoogagga hubeysan ayaa shacabka dhibaatada ku hayey labadii sano ee ay dhadhaqaaqooda wadeen, marka dowladda si ay sharci iyo kala dambeyn ugu soo dabbaasho deegaannada ay dhibaatooyinka ka jiraan dowladda waxay ka howl gelisay ciidamo tira badan” ayuu yiri.

“Ciidamadu howlaha ay qabanayaan waxaa kow ka ah iney shacabka caadiga iyo burcadda ay kala saaraan, burcaddana ay tallaabbo ka qaadaan. Hase yeeshe, wararka baraha bulshada la isla dhex marayo sidaa iney ka duwan yihiin waan ogsoonnahay. Ciidamada qaranku haba yaraatee wax dhib ah uma geystaan dad shacab ah” ayuu yiri.

“Howlgal gaar ah”

Abaanduule ku xigeenka ciidamada Itoobiya General Birhaanu Julaa wuxuu sheegay ciidamada qalabka sida iney galbeedka Oromiya ay ka wadaan howlgal ballaadhan oo amniga iyo sarreynta sharciga lagu soo celinayo.

“Xogagga halkaasi ka dagaallamaya waxaan marar badan ka baryeynay iney nabadda u soo noqdaan, hase yeeshee baryada markay ka badatay waxayba billaabeen iney isa sii xoojiyaan dhibaatada ay shacabka ku hayaanna ay sii laba jibbaaraan.”

“Shacabka ayey had iyo goor u hanjabaan, dhacaan, silciyaan oo ay afduubtaan 60 ilaa 70 km markay geeyaan oo ay garaacaan kaddib ay soo daayaan, arrimaha noocaasina waxaa lagu yaqaannay oo keli ah Al-shabaab, xataa Al-shabaab falalka noocaasi hadda ma sameeyo. Sidaa darteed, dowladda waxay ku qasbanaatay tallaaba adag oo aan soo noqosha lahayn iney kooxahaasi ka qaaddo.” ayuu yiri General Birhaanuu Julaa.

“Dowladduna waxay aamintay iney kooxdani marnaba isbeddelayn waxa keli ee wax lagu fahansiin karana ay tahay oo keli ah xabbad lagala hortago” ayuu yiri.

“Adeegyada taleefoonnada iyo Internetka oo laga jaray galbeedka deegaanka Oromada ee ay ciidamadu howl galka ka wadaan waxay suuragelisay in tallaabbada laga qaadayo maleeshiyaadka dagaallada halkaasi ka wado lagu guuleysto” ayuu sii raaciyey General Birhaanuu Julaa.

Koonfurta deegaanka Oromada ee dalkaasi Itoobiya gaar ahaanna gobollada Guji iyo Boorana waxaa sida oo kale ka socda dagaallo hubeysan oo ay halkaasi ka wadaan maleeshiyaad is abaabulay oo ay ciidamada dowladduna dagaal ballaadhan kula jiraan bilooyinki u dambeeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here