Itoobiya oo beenisay inay qaar Ciidamadeeda ka mida ay Soomaaliya kala baxday

ethiopian army

Dowladda Itoobiya ayaa markii u horeysay ka hadashay in ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ay kala baxeen gobolka Gedo, sida ay horaantii bishan ay qoreen qaar saxaafada ka mid ah.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Jamaaludin Mustafa oo wareysi siiyey barnaamijka Galka Baarista ee idaacada VOA-da ayaa sheegay inaysan jirin ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxay Soomaaliya, isla markaana ka gudbay xuduuda gobolka Gedo uu la wadaago Itoobiya.

Jamaaludiin ayaa ku dooday in ciidamadooda ku sugan gobolada Soomaaliya ay sahaydooda ka qaataan howlgalka ay ka tirsan yihiin ee AMISOM, balse ay u doontaan Doolow, sida uu sheegay.

Waxa uu xusay inay jiri karaan ciidamo Itoobiyan ah oo doontay sahaydooda, maadama uu sheegay inaysan dowladda Itoobiya sahayda ciidankooda ku sugan gobolada dalka u marin hawada, balse ay u mariyaan dhulka.

“Waan arkay media-ha hadal hayn noocaas ah, mana jirto ciidan aan ognahay oo Itoobiya ah oo laga saaray Soomaaliya,” ayuu yiri Amb. Jamaludiin.

Safiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in dhawaan lasoo afjari doono howlgalka millateri ee dowladda federaalka Itoobiya ka wado gobolka Tigreyga, isagoona carabka ku adkeeyay in cadaalada la marsiin doono hogaanka TPLF.

Hadalka Safiirka ayaa imanaya xili ay horaantii bishan xubno ka tirsan maamulka gobolka Gedo oo codsaday inaan la magacaabin ay sheegen in qaar ka mid ah ciidanka Ethiopia ee aan ka tirsaneyn AMISOM ay ka baxeen gobolka.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey inay arkeen ciidankan oo ka gudbaya xuduudda gobolka Gedo uu la wadaago Itoobiya.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyada oo dalka Itoobiya ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa dowladda uu hoggaamiyo Abiy Axmed iyo maamulka maylka adag ee gobolka Tigray-ga ee dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here