Itoobiya oo fashilisay weerar lala damacsanaa safaaradda Imaaraadka

police ethiopia

Wakaaladda wararka ee dalka Itoobiya ayaa shaacisay in la xiray 15 qof oo sida ay sheegeen qorsheynayay in ay weeraraan safaaradda Imaaraadka ee magaalada Addis Ababa.

Sida ku cad bayaanka, ciidamada sirdoonka Itoobiya ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub, walxaha qarax iyo dukumiintiyo.

Waxaa sidoo kale wakaaladda wararka ee Itoobiya ay sheegtay in qalabkan iyo 15 qof ee gacanta lagu dhigay ka dib howlgal ay sameeyeen sirdoonka Itoobiya.

Bayaanka ayaa lagu xusay in dadka gacanta lagu dhigay isla markana iyaga oo “wakiil ka ah koox argagxiso shisheeye ah,” ay doonayeen in ay weerar fuliyaan.

Koox labaad oo laga shakisan yahay ayaa sidoo kale la sheegay inay maleegayeen weerar lagu qaado diblomaasiyiinta Imaaraadka Carabta ee ku sugan dalka Sudan.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in sirdoonka Itoobiya oo kaashanaya dhigooda dalka Sudan ay u suuragashay inay burburiyaan shabakad kooxa argagixiso ah isla markaana ay fashiliyeen weeraro lagu qaadi rabay safaarada Imaaraadka ay ku leeyihiin dalka Sudan.

Laamaha ammaanka ee dalka Itoobiya ayaa dhanka kale sheegay inay wadaan dadaalo lagu soo qabanayo 21 qof oo kale oo looga shakisan yahay in arrintani ay ku lug leeyihiin.

Illaa iyo iminka ma jiro wax war ah oo ku saabsan arrintan oo ka soo baxay dowladda Imaaraadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here