Itoobiya oo gacanta ku dhigtay qaar ka mida hogaamiyeyaashii sar sare ee Tigray-ga ka tirsan

ciidamada tigray

Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay tiradii ugu badneyd oo ka tirsan hogaamiyayaasha Jabhadda Xoreynta Tigray-ga, kuwaasi oo qeyb ka ahaa dagaalkii lagu hoobtay ee xukuumadda Abiy Axmed ku qaaday gobolka Tigray-ga.

Afhayeenka Ciidamada Itoobiya, Jeneraal Maxamed Tasim oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa sheegay in 18 kamid ah hogaamiyayaasha ‘Jabhada xoreynta dadka Tigray’ ay gacanta ku soo dhigeen, isagoona sheegay in saraakiishan lasoo qabtay ay ku lug lahaayeen dagaalkii dabayaaqadii sanadkii hore ka dhacay gobolkaas.

Hogaamiyeyaashan uu shaaciyay afhayeenka ciidamada Itoobiya in lasoo qabtay ayaa waxa ku jira Korneelo iyo taliyayaal kale oo ka tirsanaa booliska Itoobiya, sida lagu sheegay qoraalka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka TPLF oo ku aadan sheegashada dowladda, mana aha markii u horeysay ee xukuumadda Abiy Axmed ay sheegto inay gacanta kusoo dhigtay xubno ka tirsan Jabhada duur galeenka ah ee TPLF, tan iyo markii lagaga adkaaday dagaalkii Tigray.

Dabayaaqadii sanadkii dhamaaday ee 2020-kii ayaa waxa dalka Itoobiya ka qarxay dagaal u dhaxeeya maamulka maylka adag ee TPLF iyo ciidamada Itoobiya, kaasi oo sababay dhimashada dad badan iyo barakaca kumanaan ruux oo kale.

Intaas wixii ka dambeeyay maamulka TPLF ayaa isku badalay jabhada xoreynta dadka Tigray oo iyadu ku dooda inuusan weli istaagin dagaalkii Xukuumadda Abiy iyo TPLF, xili lagala wareegay caasimadii gobolka Tigray ee ay gacanta ku hayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here