Itoobiya oo hakisay maalgashigii dekedda Berbera

dp world

Dowladda Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa inay joojisay maalgashigii ay ku laheyd dekedda magaalada Berbera ee Somaliland, sida uu qoray wargeyska Capital ee ka soo baxa Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalkaasi.

Wargeyska ayaa daabacay in todobaadkii la soo dhaafay xukuumadda Addis Ababa ay hakisay 19% saamiga maalgashigii ay ku laheyd dhismaha iyo ballaarinta dekeddaasi.

Sidoo kale warbixinta wargeyska ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay dooneyso in deked kale ay ka sameysato dalka Suudaan.

“Itoobiay waxay saami ah 19% ka qaadatay horumarinta dekedda Berbera, laakiin waxa toddobaadkan la soo weriyay in mashruuca si buuxda loo joojiyay.” ayuu yiri wargeysku.

Illaa iyo hadda si rasmi ah dowladda Itoobiya ugama hadlin arrinta dekedda Berbera, balse wuxuu wargeyska Capitaal wareystay wasiirka gaadiidka Dagmawit Moges oo faah faahin ka bixisay qorshaha ay ka leeyihiin dekedda ay ka sameysanayaan dalka Suudaan.

Sidoo kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Somaliland oo ku aadan warbixinta wargeyskaasi.

Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo dhowaan dalka Imaaraadka Carabta uu ka laabtay qorshihii uu saldhigga milatari uga dhisanayey magaalada Berbere ee Somaliland.

Xigasho: caasimada.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here