Itoobiya oo ismaamul tobnaad uu ku soo biiray

kilinka 10aad sidaama

Aftidi laga qaaday shacabka qowmiyadda Sidaama ee dalka Itoobiya ayey natiijadeedu noqotay iney qowmiyaddu ismaamul gaar ah yeelato.

Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya ayaa sheegay shacabka qowmiyadda Sidaama ee codkooda Aftida kadhiibtay 98.51% ay u codeeyeen iney ismaamul gooni ah noqdaan oo ay ka baxaan deeganki ay horay uga tirsanaayeen ee Shucuubta Koonfureed.

dadki codbixinta aftida iisu diiwaangeliyey waxaa codkooda Aftida ka dhiibtay 2 malyan 277 kun iyo 63 qof, taasoo ka dhigan dadki aftida iska diiwaan geliyey 99.86 iney codkooda dhiibteen.

Dadka codkooda dhiibtayna 2,225,249 (98.51%) qof waxay u codeeyeen ismaamul gooni ah, halka ay 33,463 (1.48%) qofna ay u codeeyeen iney deegaankoodi hore ka sii mid ahaadaan.

“Codbixinta aftidana si nabad galya ah ayey u dhacday waxaana codbixinta loo adeegsaday 2.5 malyan oo kaararka cod bixinta iyo qalabka kale” ayuu yiri guddiga doorashooyinka.

Astaanta guddiga doorashooyinka qaranka dalka Itoobiya
Astaanta guddiga doorashooyinka qaranka dalka Itoobiya

Deegaanka Sidaama ayaa ka mid noqonaya 10-ka ismaamul uu yeelanayo dalka Itoobiya, iyada oo deegaannada horay u jiray ay ahaayeen deegaannada (Soomaalida, Oromada, Amxaarada, Tigreega, Canfarta, Shucuubta Koonfureed, Gaambeella, Benishaangul-gumuz iyo Hararida) deegaanka Tobnaadna uu noqonayo Deegaanka Sidaama oo maanta si rasmi ah loogu dhawaaqay.

Qowmiyadda Sidaama ayaa tira ahaan ku jirtaa qowmiyadda shanaad ee ugu tirada badan iyada oo ay ka horreeyaan Qowmiyadanaha Oromada, Amxaarada, Soomaalida, Tigreega oo keli ah.

Aftida goormey dhacday?

Cod bixinta aftida lagu ogaanayo gobolka Sidaama inuu ka sii tirsanaado deegaanka Shucuubta Koonfureed iyo inuu deegaan madax bannaan uu noqonayo waxay dhacday Arbacad iaan soo dhaafnay.

Sida shirka Jaraa’id ee guddiga doorashooyinka lagu sheegayna waxaa codbixinta aftidaasi iisu diiwaan geliyey 2.3 milyan oo qof. Xubnaha fulinta guddiga doorashadana waxay gaarayeen 6,000 iyada oo ay codbixinta aftidana ay ka dhacday.

Waxaa sida oo kale marxaladda codbixinta goob joog ka ahaa 160 xubnood oo ka kala socda ururrada bulshada rayadka iyo xubno guddiga doorashooyinka ka socday.

Shanta Ismaamul oo si aan sharci ahayn ismaamulnimadooda lala noqday

Dalka Itoobiya waxaa ku nool in ka badan 80 qowmiyadood oo kala af iyo kala diin ah. Xilligi Dowladdii Mangiste wuxuu dalka Itoobiya u qaybsanaa 14 gobol.

Marki uu xilka ka dagay madaxweynihi hore ee dalkaasi Itoobiya Mengistu Haylemaaryaam 1990-kii oo ay dowladdi ku meel gaarka ahayd ay xilka qabatay waxaa dalka Itoobiya 1991-kii ka sameysmay 14 ismaamul, ismaamullaadaasi oo ku saleysnaa afafka ay qowmiyadaha ku hadlaan iyo qowmiyadaha ugu tirada badan.

Hase yeeshee, shan deegaan oo ka mid ah deegaanadaasi ayaa waxyar kaddib si aan sharci ahayn loo mideeyey oo la isugu geeyey deegaanka Shucuubta Koonfureed.

“Waxaan xusuustaa in shan deegaan oo lagu dhisay dastuurki ku meel gaarka ahaa qodobkiisa 7/1991 oo sharci ahaa, ayaa haddana si aan sharci ahaan lagu mideeyey” ayuu yiri Barafsoor Beyene Petros oo golaha xildhibaannada dalka deegaankaasi ku matalayey.

Deegaanka Shucuubta Koonfureed ee shanta deegan la isugu geeyey waxa aku nool 56 qowmiyadood oo kala af ah, waxaana ismaamulkaasi lagu dhisay sharci ka duwan deegaannada kale.

Deegaanka Shucuubta Koonfureed ee Itoobiya

Ismaamullada shanta ahna waxay laba sano soo ahaayeen ismaamullo sharci ah oo ka jiray dalka Itoobiya, waxayna deegaannadaasi kala ahaayeen:

  • Deegaanka 7aad: waa ismaamul ay ka wada tirsanaayeen qowmiyadaha Guraage, Kambaata, Yem, Halaaba iyo Silteee caasimadda ismaamulkaasina waxay ahayd magaalada Hosaana.
  • Deegaanka 8aad: waa ismaamul ay ka wada tirsanaayeen qowmiyadaha Sidaama, Geedio, Amaarro iyo Burji caasimadda ismaamulkaasina waxay ahayd magaalada Hawaasa.
  • Deegaanka 9aad: waa ismaamul ay ka wada tirsanaayeen qowmiyadaha Walayta, Gamo-gofa, Dawro iyo qowmiyado yaryar, caasimadda ismaamulkaasina waxay ahayd magaalada Arba-minch.
  • Deegaanka 10aad: waa ismaamul ay isugu tageen qowmiyadaha dega Koonfurta Wabiga Omo caasimadda ismaamulkaasina waxay ahayd magaalada Jinkaa.
  • Deegaanka 11aad: waa ismaamul ay isugu tageen qowmiyadaha daga goobaha ka baxsan wabiga Omo caasimadda ismaamulkaasina waxay ahayd magaalada Miizaan-Tafari.

“Deegaannada sida qasabka oo aan sharciga ahayn lagu mideeyey waxay keentay iney shucuubta deegaannadaasi ku nool iney helin adeeg horumar oo ku filan iyo iney iyagu iskood iisu maamulaan” ayuu yiri barafasor Beyene.

“Hantidi ay wada lahaayeen shucuubta Koonfureed oo dhanna waxaa lagu maal geliyey caasimadda Hawaasa oo xaruun u ah deegaanka Shucuubta Koonfureed mustaqbalka dhowna laga yaabo iney noqoto caasimadda Ismaamulka Sidaama”.

“Deegaanka Sidaama oo maanta si rasmi loogu dhawaaqay inuu ismaamul gaar ah uu noqday ayaa laga cabsi qabaa iney horseeddo qowmiyado kale oo dalka Itoobiya ku nool iney iyaguna dalbadaan afti tan la mid ah oo ay ku dalbanayaan qowmiyada kale.” ayuu yiri Barafsoor Beyene Petros oo golaha xildhibaannada dalka deegaankaasi ku matalayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here