Itoobiya oo ku raad joogta hogaamiyayaashii TPLF ee GobolkaTigrayga

Debretsion Gabra Mikael tigree

 Dowladda Itooobiya ayaa sheegtay inay ugaarsaneyso oo ay ku raadjoogto hogaamiyayaashii gobolka Tigray, maalin uun ka dib markii ay dowladda federaalka sheegtay inay la wareegtay magaalada madaxda Tigray ee Mekelle.

Lama oga ilaa iyo iminka halka ay ku sugan yahay hogaamiyihii gobolka Tigray ,Debretsion Gebremichael.

Debretsion ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in dhaqdhaqaaqa TPLF ay sii wadi doonaan dagaalka.

Hogaamiyaha Tigray Debretsion Gebremichael ayaa sheegay inay caddowga kusoo duulay la dagaalami doonaan ilaa qofka ugu danbeeya, kadib markii ay ciidamada Itoobiya qabsadeen caasimadda Gobolka Tigray ee Makelle.

Sida ay kasoo xigatay wakaalada wararka ee Reuters hoggaamiyaha Jabhada xoreynta Tigray ee TPLF ayaa yiri: “Xasuuqa ay geysteen wuxuu sii kordhinayaa inuu keenna ugu danbeeya dhinto isagoo la dagaalamaya kuwa nagu soo duulay”.

Mar la weydiiyey hoggaamiyaha Tigray Debretsion Gebremichael haddii ay sii wadayaan dagaalka ayuu sidoo kale sheegay in dagaalka uu yahay mid ay ku difaacayaan xauquuqdooda inay is maamulaan, taasina ay geeri ka xigaan.

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku tilmaamay hoggaanka Tigrey inay yihiin dambiilayaal.

Xilli dowladda fedaraalka ay sheegtay inay la wareegtay caasimadda Tigrey ee Mekelle ayaa waxaa uu Mr Abiy qorsheynayaa inuu badalo maamulkii hore ee gobolkaasi lana dhiso maamul cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here