Itoobiya oo qorsheyneysa inay xirto xeryo qaxooti oo ku yaalla gobolka Tigray

ethiopia tigray

Itoobiya ayaa qorsheyneysaa inay xirto labo xero oo qaxooti oo ku yaalla gobolka Tigray kuwaas oo dadkii ku noola ay ku go’doomeen dagaalka ka socday halkaas, sida ay sheegtay laanta dowladda u qaabilsan arrimaha qaxootiga.

Madaxa dowladda Itoobiya u qaabilsan arrimaha qaxootiga Tesfaye Gobezay oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in sababta loo xirayo xeryaha qaxootiga ay tahay in xaalad adag oo dhanka nolosha ay ka jirto xudduuda Itoobiya iyo Eritrea iyo in xeryaha ay ku yaallaan meel u dhaw xudduudda.

Ku dhawaad 100,000 qaxooti Eritrean ah ayaa ku noolaa ilaa xero oo ku yaalla Tigray ka hor inta uusan dagaalka ka qarxin halkaas bishiii Nofembar.

Xeryaha qaxootiga ee Shimbela iyo Hitsats kuwaas oo ay ku nool yihiin 20,000 oo qof qaxooti ah, waxaana adkeyd in ha’yadaha gargaarka ay gaaraan Tigray.

Xerada qaxootiga ee Shimbela waxay qiyaastii 20 kiiloomiitar u jirtaa xadka Eritrea, waana arrin xaadgudub ku ah sharciga caalamiga ah ee qaxootiga kaas oo dhigay in xero qaxooti laga sameyn karo uun ugu yaraan meel qiyaastii u jirta xudduudaha 50 kiiloomiitar, sida uu sheegay madaxa arrimaha qaxootiga u qaabilsan dowladda Itoobiya.

Wuxuu intaas ku daray in xerayahan loo rari doono goobo kale ama dadka qaxootiga ah lagu biiri doono dadka deegaanka.

Sida laga soo xigtay Tesfaye, waxaa horraan isku dayo la doonayay in lagu xiro xerada qaxootiga ee Hitsats balse qorshahaas ayaa fashilmay kaddib markii maamulkii hore ee Tigray uu diiday in xero xeradaas iyo sidoo kale cabsida ka dhalatay cudurka Koroona.

“Dagaallo xooggan ayaa ka socday agagaarka xeryahaa” dadka qaxootiga “waxay ku go’doomeen dagaalka” ayuu yiri Mr Tesfaye.

Isbuucii lasoo dhaafay, xog hayaha gud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa dowladda Itoobiya ugu baaqay in ay gacan ka geysato gurmadka loo fidinayo dadka u baahan gargaarka bani’aadannimo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in 4.5 milyan oo ruux ay u baahan yihiin caawinaad deg deg ah kaddib dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray.

Dhawaan ayay aheyd markii Qaramada Midoobey ay sheegtay in heshiis ay la galeen dowladda Itoobiya si loo ballaariyo howlaha gargaarka loogu fidinayo shacabka ku nool shacabka gobolka Tigray si shaqaalaha gargaarka loogu ogolaado inay gaaraan halkaas.

BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here