Itoobiya oo sheegtay in Soomaaliya ay raali-gelin ka siisay taageerada Masar

farmaajo itoobiya

Dowladda Itoobiya ayaa si weyn uga xumaatay qaraar uu dhowaan Ururka Jaamacadda Carabtu uu ka soo saaray Xiisada Nile-ka ee kala dhaxeysa dalka Masar, oo ay qeyb ka ahaayeen Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Qaraarkaasi ayaa cambaareyn loogu jeediyay Itoobiya, midaasi oo keentay in dowladda Itoobiya ay si weyn uga gubato in qaraar ka dhan ah ay qeyb ka noqdeen Jabuuti iyo Soomaaliya, oo saaxiibtinimo dhow la leh Abiy Ahmed.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa garab istaag weyn u muujiyey dowladda Masar, xiisada kala dhaxeysa Itoobiya ee webiga Nile-ka, taasi oo loo arko inay keentay galaan-galka weyn ee Masar ku dhex leedahay Ururkaasi.

Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka tirsan Ururkaasi, ayaa iyaguna qeyb ka ahaa qaraarkaasi, inkasta oo markii dambe ay Fariin raali-gelin ah gaadhsiiyeen Abiy Ahmed, oo isagu si weyn uga carooday inay qeyb ka noqdaan qaraarkaasi.

Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya, Gedu Andargachew oo wareysi gaar ah siiyey wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, ayaa sheegay in Dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya ay soo gaadhsiiyeen Dhambaalo ay uga xun-yihiin qaraarkaasi, kadib markii faah-faahin ka dalbatay Itoobiya doorkooda ku aadan arrinkaasi.

“Dhambaalo aanu ka helnay (Soomaaliya iyo Jabuti) waxay noogu sheegeen in qaraarkaas uu Jaamacadda Carabtu ansixiyay aanu door xalin ah ka ciyaarayn dhibaatada taagan, balse uu xaaladda sii xumaynayo” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Waxay noo sheegeen in dhibaatada aan lagu xalin doonin jidkaas oo kale, waxaanan rumaysanahay in xubnaha kale ee jaamacadda Carabtu ay sidan oo kale yeeli doonaan”.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhowaan u tagay caasimada Itoobiya ee Addis-Ababa, si uu Abiy Ahmed ugu gudbiyo dhambaal uu usoo dhiibay madaxweyne Farmaajo oo uu ku caddeynayo inay ka xun-yihiin qaraarkaasi uu soo saaray Ururka Jaamacada Carabta oo qeyb ka ahaayeen, isla markaana uu Raali-gelin buuxda ka siiyo.

Qaraarka Jaamacadda Carabta ayaa waxaa saxiixay wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed Khayr, oo Soomaaliya uga qeyb galay shirka, hase yeeshee waxaa kasoo horjeestay madaxweyne Farmaajo, oo sheegay inaan lagala tashan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here