Itoobiya oo sheegtay iney TPLF ka qabsatay waddo halbowla ah

ethiopian army Amisom

Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay iney dagaal qaraar oo ay TPLF la galeen ay ku qabsadeen waddada halbowlaha ah ee isku xirta Waldiya iyo Maqale.

Warkan oo aan ka soo xigannay telefishiinka dowladda ee EBC ayaa sheegaya iney ciidamadu dagaal maalmihi u dambeeyey ay la galeen TPLF oo ka socday jiidda hore ee bariga dalkaasi iney ku qabsadeen waddadaasi.

Sida oo kale ciidamadu waxay sheegeen iney qabsadeen buuraha silsiladda ee Zoble oo iyo mgaalooyinka ku hareereysan sida Orjo, Fokiso iyo Booran.

Fallaagada TPLF dhankooda waxay dagaal qaraar u galeen sidi ay waddada Waldiya iyo Maqale isku xirto ay u dfaacan lahaayeen si aan loga qabsan balse ugu dambeynti dagaalka looga awood roonaaday.

Waddada ay ciidamada Itoobiya sheegeen iney TPLF ka qabsadeen ayey ku sheegeen iney go’doomineyso ciidamada fallaagada TPLF ee gudaha deegaanka Amxaarada ka dagaallamaya, saanaddi ciidan iyo maleeshiyaadki dhanka Maqale uga iman jirayna ay waayayaan wadda ay u soo maraan.

Ciidamadu waxay intaa ku dareen jiidda hore ee Wuchaale iney ku qabsadeen deegaannada Robiit, Golbo, Warabaabo, iyo Mile Koticha.

Ciidamada Itoobiya oo maalmihi u dambeeyey guulo badan dagaalka ka soo hoyayey waxay sheegeen inay hadda ku sii jeedaan deegaanka Marsa oo weli gacanta fallagada TPLF ku jira.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda wuxuu bartiisa facebook ku soo qoray iney ciidamadooda u ruqaansadeen dhanka magaalada Gaashana.

Isaga oo intaa ku daray iney u egtahay iney ciidamadooda meel istaajin kartaa jirin ilaa ay cadowgu ku dhawaaqaan dagaalka iney joojiyeen.

Isaga oo farriintiisa ku soo afmeeray su’aal ah, isku day inaad ogaato halka xiga ee ay ciidamadooda ku istaagi doonaan.

Ciidamada dalka Itoobiya oo uu hoggaaminayey Abiy Axmed labadi toddobaad ee ugu dambeeyey dagaalki ay TPLF a galeen waxay ka soo hoyeen guulo la taaban karo iyaga oo magalooyin badan oo ay TPLF qabsadeen dib uga qabsaday.

Dagaalka waqooyiga Itoobiya ka billowday 4-tii November 2020 ayaa qarxay kadib marki ay dowladda Itoobiya sheegtay saldhigga ugu weyn ciidmada dalkaasi oo ay ku lahaayeen magaalada Maqale iney weerar ku qabsadeen ciidama daacad u ah TPLF.

Dagaalka xilliga soo billaawday ayaa haatan 13 bilood jirsaday iyada oo ay weli muuqan wax xal ah oo laga gaaray colaadda dalkasi ka aloosan.

Midowga Afrikana wuxuu isku dayay inuu dhinacyada halkaa isku hayo uu u kala dab qaado balse ay weli dadaalladooda mira dhal noqon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here