Itoobiya: Walaac laga muujinayo Jawaar Maxamed oo cuntada ka soomay

jawaar maxamed

Mid ka mid ah qareennada Jawaar Maxamed, oo lagu magacaabo Maxamed Jimma, ayaa BBC-da u sheegay in Jawaar oo hadda ku jira gadood cunto ka soomid ah uusn maanta la hadli karin warbaahinta.

Laanta la dagaallanka argagixisada ee maxkamadda sare ee federaalka ayaa lagu wadaa in ay maanta dhageystaan markhaatifurka 24 ruux oo wax laga weydiinayo kiiska Jawaar Maxamed.

Jawaar Maxamed, Bekele Gerba, Hamza Adane iyo Shemsadi Taha, ayaa dhammaantoodba maanta ku jiray gadood cunto ka soomid ah.

Qareenka Jawaar ayaa sheegay in isaga iyo Bekele ay cuntada diidayeen muddo siddeed maalmood ah.

Maxkamadda ayaa oggolaatay in ay arkaan dhakhtar gaar ah oo aan ahayn dhakhaatiirta dowladda.

Markii la weydiiyay sida ay tahay xaaladda caafimaad ee Jawaar, ayuu Maxamed Jimma yidhi: “Si shakhsi ahaan ah waxaan u dareemay in Jawaar ay baahida si gaar ah u saameysay. Aad bay u daciifeen mana hadli karaan. Aad bay u xanuunsan yihiin.”

Siyaasiyiintan ayaa gadoodka cunto ka soomidda ah sameeyay si ay uga mudaharaadaan xarigooda iyo sida warbaahinta loogu diiday inay xogtooda helaan, sida uu BBC-da u sheegay qareen kale oo lagu magacaabo Tuli Baysa.

Wariyeyaasha oo maxkamadda loo diiday

Wariyeyaal iyo dad u dooda xuquuqda aadanaha oo maxkamadda u tagay si ay uga qeyb galaan dhageysiga dacwadda ayaa loo diiday in ay halkaas joogaan.

Booliska Federaalka iyo iyo ciidamada mniga ee Addis Ababa ayaa si khasab ah maxkamadda uga soo saaray ilaa siddeed wariye iyo xubin ka tirsan Hayadaha u dooda xuquuqda aadanaha, sida uu soo tabiyay wariyaha BBC-da ee halkaas ku sugan.

Suxufiyiinta looma sheegin sababta loogu diiday in ay dhageysiga dacwadda ka qeyb galaan. Hase yeeshee qaar ka mid ah askarta ayaa wariyeyaasha u sheegay in “amar lagu siiyay” in ay ka eryaan goobta.

Eedeysaneyaasha iyo qareennadooda ayaa markii hore su’aal ka keenay in maxkamadda ay u furan tahay dadweynaha, iyagoo ka cabsi qabay in kiiskan uu noqdo mid dacwaddiisa si qarsoodi ah loo qaado.

Bishii lasoo dhaafay, maxkamad ku taalla Itoobiya ayaa daaqadda ka tuurtay lix dacwadood oo uu wajahayay milkiilaha warbaahineed ee caanka ah, Jawaar Maxamed, kuwaasoo dhammaantood la xiriira heysashada hub sharci darro ah.

Hase yeeshee, isaga iyo eedeysaneyaasha kale ayaa wali wajahaya afar dacwadood oo kale, oo ay ku jiraan argagixisanimo iyo musuqmaasuq dhinaca warbaahinta ah.

Ninkan, oo sidoo kale siyaasi ah, ayaa bishii July ee sanadkii lasoo dhaafay lala xiray dhowr ruux oo kale, kaddib markii ay dalkaas ka dhaceen rabshado daba socday dilkii loo geystay fannaankii Oromada u dhashay ee lagu magacaabi jiray Hachalu Hundessa.

Mr Jawaar ayaa horay maxkamadda ugu sheegay in kiiskooda oo dhan uu yahay mid siyaasad salka ku haya, ujeeddada kaliya ee laga leeyahayna ay tahay sidii looga hor istaagi lahaa isaga inuu u tartamo xafiis dowladeed marka la gaaro doorashada lagu wado inay Itoobiya ka dhacdo bisha June ee sanadkan.

BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here