Jaamacadda waxaa iga bixiyey qof aanan garanaynin

Mamokgethi Phakeng

Gabadh aqoonyahanad ah oo sheegtay inay lacagtii ay jaamacadda ku dhigatay uu ka bixiyey qof aysan garanaynin ayaa baraha bulshada kabilawday olole ay ardayda uga codsanayso inay la wadaagan sawiradooda xilliga ay jaamacadaha ka qalinjibinayaan.

Mamokgethi Phakeng ayaa BBC-da u sheegtay sida uu qof aysan aqoon u lahayn uu u caawiyey.

‘Waxa aan baranayay maadada xiisaabta waxa jaamacadda la iiga lahaa daymo badan balse Mr Damoi ayaa u istaagay inuu daymaha la igu lahaa bixiyo, aqoon uma lahayn meesha uu ka yimid, waxa uu fiiriyey natiijadayda wuxuuna go’aansaday inuu jaamacadda iga bixiyo.’ Ayey tiri Ms Phakeng.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here