Jabuuti oo cambaareysay weerar lagu qaaday saldhig ciidan

Djibouti flag

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Jabuuti ayaa cambaareysay weerar habeen hore lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla gobolka Tajuura.

Dowladda waxay sheegtay in xasiloonida gobolkaas dib loo soo celiyay isla markaana uu socdo baaritaan ku aadan dhacdadaas ayna wadaan howlgalo lagu baadigoobayo kuwii weerarka geystay.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada janda-maariiga ayaa ku dhintay weerarka lagu qaaday saldhigga ciidamada ee Tajuura.

Weerarka ayaa yimid kaddib markii koox hubeysan ay rasaas ku furtay ciidamadii joogay saldhigga.

Arrintaa oo sababtay in ciidamaduna ay rasaas ku jawaabaan. Ilaa iyo haatan lama sheegin ujeedada weerarkaasi iyo cidda leh mas’uuliyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here