Jabuuti oo ka hadashay sababta Istanbuul loogu celinayo diyaaradii uu saarnaa Fahad Yaasiin

wad jabuuti Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf

Dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaradda Turkish Airline ee u socotay magaalada Muqdisho waxa ay dib ugu laaban doonaan Istanbul, sida ay sheegtay dowladda Jabuuti

Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibout Maxamuud Cali Yuusuf oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay: “Dhammaan rakaabkii saarnaa dayuuraddii Turkish Airways ee maanta ee Muqdisho u socotay ay ku noqon doonto Istambul si ay u raacaan duullimaad kale oo Muqdisho u socda.”

Taliyihii hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inuu saaran yahay duulimaadkaasi.

Wasiirka ayaa ku sheegay in sababta loo baajiyay duulimaadka ay tahay cilad farsamo oo diyaaradda la soo gudboonaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here