Jabuuti oo martigelineysa saldhiga cusub ee ciidamada badda Itoobiya

abiy iyo geele

Jabuuti ayaa noqon doonta dalka martigelinaya saldhiga ciidamadda badda ee uu dhisanayo waddanka Itoobiya, sidda uu daabacay wargeyska afka dheer ee The Capitale Ethiopia.

Faransiiska ayaa wuxuu ka taageerayaa xukuumadda Addis Ababa dib u dhiska ciidamadda, waxaana cutubyo kamid ah ay tababar kusoo qaateen France, talaabadaas oo daaran is-afgarad dhexmaray.

Illo wareedyo ayaa waxay ku warameen in taliska guud ee ciidamadda, marka laga hadlayo gudaha Itoobiya, laga hirgelin doono magaaladda Bahir Dar, oo ah xarunta ismaamulka Amxaarada.

Kadib markii uu xafiiska yimid bishii April sanadkii hore ee 2018-kii, ra’iisul wasaare Abiy Axmed, ayaa shaaca ka qaadey in dib u soo celin doono cudada ciidamadda badda ee waddankiisa.

“Waxaan dhisnay mid kamid ah saldhiyadda ugu awooda badan ciidamadda cirka ee Afrika, haddana waxaan dhiseynaa awoodeeda xoogaga badda,” ayuu sanad kahor ka dhawaajiyey.

Tan iyo go’itaankii Eritrea, Itoobiya ayaa ahayd waddan aan bad lahayn, balse kamida kuwa ugu dadka badan ee qaaradda Afrika. Si lamid ah, ma lahan dekad, oo kamid ah kaabeyaasha dhaqaalaha.

Socdaalkiisii u dambeeyay ee Jabuuti bishii October, Abiy ayaa wuxuu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kala soo hadlay ajendeyaal ay ku jiraan saldhiga ciidamadda badda.

Markii hore waxaa la saadaalinayey in Eritrea ama Suudaan midkood noqon karto, haddase waxaa la xaqiijiyey in Jabuuti ay laga dhisi doono, sababtoo ah in ay dhacdo marin istaraatiiji ah.

Ka hor inta uusan Abiy Axmed xukunka la wareegin, wafdi Itoobiyaan ah ayaa kormeer ku tegay Obock, magaalo xeebeed ku taala waqooyiga gacanka Tadjoura ee Jamhuuriyadda Jabuuti. Kormeerkooda ayaa wuxuu salka ku hayey qiimeynta mustaqbalka dekad ay Itoobiya damacsan tahay in ay ka dhisto halkaas.

Weli lama xaqiijin magaaladda kamid ah Jabuuti eelaga dhisi doono saldhiga ciidamadda badda Itoobiya.

Jabuuti, oo ah dal yar oo horey uu Faransiisku u gumeystay jiray, ayaa waxaa haatan xerrooyin ku leh qaar kamid ah dowladdaha aduunka ugu tunka weyn sida Mareykanka iyo Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here