Jabuuti oo shaacisay in dad ka yimid Magaalada Hargeysa laga helay Coronavirus

Djibouti flag

Dawlada Jabuuti ayaa sheegtay in la helay kiisas cusub oo la xiriira cudurka Coronvirus ee khalkhalka ku haya meelo ka mid ah caalamka.

Saraakiisha Caafimaadka Jabuuti ayaa waxay sheegeen in afar qof oo laga helay cudurkan laga qabtay Kontorolka Lowyacade ee Xadka Somaliland iyo Jabuuti.

Dadkaas ayey dowlada Jabuuti sheegtay iney safar dhulka kaga yimaadeen magaalada Hargeysa ka dib markii duulimaadyada caalamiga ah ee Jabuuti la joojiyey.

Masuuliyiintu waxay intaas ku dareen in dadkan ay markoodii hore ka soo safreen dalal kale ayna ka soo dageen garoonka dayuuradaha magaalada Hargaysa iyagoo doonayey iney safar dhulka ah ku soo galaan magaalda Jabuuti.

Warkan oo lagu faafiyey TV-ga Jabuuti ee RTD qaybta Carabiga ayaa lagu sheegay in guud ahaan ay iminka kiisaska corona ee dalkaasi ay gaarayaan 18 kiis.

Somaliland ayaa waxaa weli ka dega duulimaadyo kala duwan oo caalami ah, kuwaasoo maalin kasta taga magaalada Hargeysa xili dalalka caalamka intooda badan ay joojiyeen duulimaadyada dibeda cabsi laga qabo faafida cudurkan Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here