Jabuuti oo xabsiga dhigtay xubnaha qoyska duuliye Fu’aad iyo xiisad ka taagan

Fuaad Yuusuf Cali

Dowladda Jabuuti ayaa xabsiga u taxaabtay xubno ka tirsan qoyska duuliye Fu’aad Yuusuf Cali, xili ay socdaan banaanbaxyo xoogan oo looga soo horjeedo tacadiga lagula kacay duuliyaha.

Xaaska duuliyaha oo u warantay idaacada BBC laanteeda Af-Soomaaliga ayaa xaqiijisay inay dowladdu xirtay gabar 16-jir ah oo uu dhalay duuliyaha iyo saddex gabdhood oo kale oo uu abti u yahay.

Xariga xubnahan ka tirsan qoyskiisa ayaa imanaya kadib markii banaanbaxyo xoogan ay ka dhaceen gudaha Jabuuti, midaasi oo dhalisay in dowladdu ay xabsiga ku gurto xubnahaasi.

Sida la sheegayo xubno badan oo ka tirsan banaan-baxayaasha kasoo horjeeda xariga iyo cadaalad darada uu tirsanayo duuliye Fu’aad ayaa shalay iyo maantaba xabsiga loo taxaabay.

Xiisada ka dhalatay xariga Fu’aad ayaa kusii fidaysa gudaha dalka Jabuuti, iyada oo markii hore ka bilaabatay caasimada, halkaasi oo ay ka dhaceen banaanbaxyo xoogan oo looga soo horjeedo xariga duuliyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here