Guddiga mamaul u dhisidda Galmudug ee ay dhistay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray jadwalka cusub ee dhismaha iyo doorashada maamulka, kadib markii uu fashilmay jadwalkii hore.
Guddiga ayaa 19-ka ilaa 23-ka December u gooyey xaqiijinta odayaahsa dhaqanka iyo xalinta khilaafyada, ayada oo xidlhibaanada lasoo xulayo inta u dhaxeysa 24-ka ilaa 30-ka December.
Guddiga ayaa sheegay in guddoonka golaha wakiilada Galmudug la dooranayo 4-ta bisha Janaayo ee 2020, ayada oo doorashada madaxweynaha cusubna ay dhaceyso 9-ka bisha Janaayo.
Jadwalka cusub ayaa yimid kadib markii dhowaan ay dowladda Soomaaliya iyo ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca (ASWJ) heshiis ka gaareen khilaafkii u dhaxeeyey ee ku salaysnaa dhismaha dowladda cusub ee maamulka Galmudug.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in Ahlu-Sunna la siiyo 20 ka mid ah 89-ka xildhibaan ee Golaha Wakiilada lasoo dhisayo ee Galmudug.
Hoos ka aqriso jadwalka cusub
