Jadwalka dhameystirka Xildhibaanada iyo dhaarintooda oo la soo saaray iyo Koonfur Galbeed oo ka hortimid

jadwal koonfur galbeed

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo saaray jadwalka hannaanka loo marayo isu keenista, shahaado bixinta iyo dhaarinta xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay in 14/4/2022 la dhaarinayo xildhibaannada labada aqal, inta ka horreysana la dhameystiri doono jadwalka geedi-socodka doorashada.

Dhanka kale dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka horyimid jadwalka uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu yiri “Dowladda Koonfur Galbeed waxay caddaynaysaa inaysan waxba kala socon jadwalka la faafiyay ee ku saabsan hannaanka loo marayo isu keenista, shahaado bixinta iyo dhaarinta xildhibaannada la doortay ee Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna warqadda soo baxday aysan ahayn mid dhaqangal ah”.

“Koonfur Galbeed waxay kaliya aqbalaysaa jadwal iyo qorshe ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran kaasoo ku yimid wadatashi ay ka qeybqaateen dhammaan Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir” ayaa la raaciyay.

Koonfur Galbeed waxay sheegtay in aysan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaalba wax kaalin ah oo sharci waafaqsan ku lahayn u yeerista iyo qabanqaabada dhaarinta Xildhibaannada la doortay, waajibaadkaasna uu sharcigu siinaayo Barlamaanka 10aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here