Jadwalka doorashada Galmudug oo la shaaciyey

calanka galmudug

Guddiga doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay Jadwalka xulista Baarlamaanka 2aad ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddiga ayaa u asteeyey in 25 – 28 Bishaan inay noqoto waqtiga la xaqiijinayo Odayaasha dhaqanka Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in 29 November illaa 09 December lasoo xuli doono Xildhibaanada maamulka Galmudug.

10-12 December ayey sheegeen in la howlgelin doono Baarlamaanka Galmudug, halka 13-16 December la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas.

Ugu dambeyntii Guddiga ayaa 17-23 December u iclaameeyey inay dhici doonto doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Halkaan hoose ka akhriso jadwalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here