Jadwalka doorashada oo markale dib u dhac ku yimid

Guddiga dfs logo

Guddiga Doorashada heer federaal ayaa shaaciyey inuu mar kale dib u dhac ku yimid xilligii loo qabtay inay billaabato doorashada Aqalka sare.

Maanta ayaa la qorsheeyay inay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ay soo saaraan liiska Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare, balse qoraal kasoo baxay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa lagu sheegay in waqtiga la gaarsiiyey ilaa 5-ta Janaayo iyadoo toddobaad lagu daray.

“Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5-ta Janaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021,” ayaa lagu yiri War-saxaafadedeka Guddiga

Guddiga ayaa dib u dhaca ku sababeeyey xiriir dhexmaray madaxweynaha Galmduug, waxayna war-saxafadeedkooda ku qoreen: “Isbaddalka jadwalkan wuxuu ku saleysan yahay codsi Guddiga Doorashooyinka uga yimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku aaddan in muddadaa dib loo dhigo waqtiga loo asteeyey Doorashada Aqalka Sare.”

Arrintan ayaa u muuqata mid si kulatagal ah loogu beegsaday Madaxweynaha Galmudug oo magaciisa Guddigu shaaciyey, kadib markii uu dhowaan war-saxaafadeed wadajir ah lasoo saaray Madaxweynaha Puntland, kaaso lagu dalbaday in xal loo helo khilaafka ka taagan Doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here