Janeraal Mukhtaar oo gaaray Beledweyne si uu wax uga qabto Jeneral Xuud

gen mukhtar xuseen afrax

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federalka Soomaaliya, Janeraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo lagu soo dhoweeyey.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle, kan gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa wasiirka ku soo dhoweeyey garoonka Ugaas Khaliif, iyadoona kadib loo galbiyey gudaha magaalada, gaar ahaan xarunta maamulka gobolkaasi.

Ujeedka safarka wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdigiisa ayaa ah sidii uu uga qeyb qaadan lahaa xalinta xiisada ka taagan Beledweyne ee ka dhalatay doorashadii dowlad goboleedka HirShabelle oo lagu qabtay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wasiir Mukhtaar oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doono waxgarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Beledweyne waxaa haatan ku sugan guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi oo u tegay arrimo la xiriira xal u helida tabashada ay qabaan beelaha qaar ee degan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka dillaacay maleeshiyo uu hoggaaminayo Jeneral Xuud oo kasoo horjeeda maamulka HirShabelle, taasi oo diiday in madaxweyne Cali Guudlaawe uu magaalada yimaado

Wasiir Jeneral Mukhtaar ayaa la filayaa inuu isku dayo inuu arrintan xal u helo, isaga oo kaashanaya odayaasha iyo waxgaradka beesha ay kasoo wada jeedaan isaga iyo Jeneral Xuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here