Japan oo muddo kordhin u sameeyey ciidamadiisa ka howlgala xeebaha Soomaaliya

calanka japan

Golaha wasiirada Japan ayaa muddo hal sano ku kordhiyey howlgalka ciidamada dalkaasi ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya.

Ciidamada Japan ee Howlgalka la dagaalanka burcad-badeeda ayaa loo ogolaaday in sanad kale ay sii joogaan biyaha Soomaaliya, si u sii wadaan dhaq-dhaqaaqyadooda.

Sidoo kale golaha wasiirada Japan ayaa ku boorriyey ciidamada Badda inay sii laba jibaaraan howlgalladooda, sida ay shaacisay wakaaladda wararka dalkaas ee NHK.

Ujeedkan howl-galkan ayaa ah sidii loo ilaalin lahaa maraakiibta isticmaasha biyaha caalamka ee aan heysan ilaalada, kuwaas oo halis u gala in ay gacanta u galaan burcad-badeeda.

Ciidamada Badda ee dowladda Japan oo isticmaalaya maraakiib iyo diyaarado dagaal ayaa howlgalkan soo bilaabay tan iyo sanadkii 2009-kii.

Si kastaba weerarada kooxaha burcadbadeeda ayaa sanadihii u dambeeyey aad u yaraaday, inkasto weli ay cabsi ka taagan tahay marinka biyaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here