Jarmalka oo xal diblumaasiyadeed u raadinaya colaadda Libya

germany fm Heiko Maas

Wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka, Heiko Maas ayaa lagu wadaa inuu wadahadallo kula yeesho magaalada Banqazi, Janaraal Khaliifa Haftar.

Maas oo toddobaadkii hore la hadlay ra’iisul wasaaraha Libya Fayez Al Siraaj ayaa maanta wadahadalladan u matalaya Midowga Yurub ka hor shirka la filayo in maalmaha soo socdo lagu qabto magaalada Berlin si xal waaro loogu helo colaadda ka taagan Libya.

Janaraal Khalifa Xaftar kaas oo xoogaggiisa ay dagaal adag kula jiraan dowladda ay Qaramada Midoobeey taageereyso ee caasimadda dalkaas, wuxuu dhawaan tagay magaalada Moscow isagoo aan saxiixin heshiiska xabad joojinta, sida ay warbaahinta sheegeen.

Waxaa uu ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamayo Libya in xal diblumaasiyadeed ay u raadiyaan joojinta dagaallada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here