Jen. C/R Guulwaade: Duqayntii iyo dagaalkii Waqooyi waxaa lagu difaacayey midnimada iyo Qaranimadda Somaliya

general craxmaan guulwade

Jen. C/raxmaan Cabdi Xuseen Guulwade oo ka mid ah Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ee Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sheegay inuu sax ahaa duulaankii dowladdii Kacaankii aheyd ku qaaday Gobolada Waqooyi ee hadda la baxay Somaliland.

Jen. Guulwade oo ahaa Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed xilligii ay dhaceysay dowladdii Milateriga aheyd ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre ayaa sheegay in duulaankaas loo qaaday si loo difaaco midnimada iyo qarannimada dalka.

“Dad ayaa diyaarad lagu garaacay run weeye, dad ayaa la laayay run weeye, laakiin dal kasta oo adduunka hal ma ogolaan karo, madax banaanidiisa iyo midnimadiisa in lagu ciyaaro dowlad adduunka ogol ma jirto, ciidan jabhad oo iyagoo hubeysan oo dalka inay kala gooyaan diyaar u ah ayay magaalada soo galeen, dowladdii markaas jirtay ma waxaa kula talin laheyd inay soo kala cararaan, dowlad kasta adduunka joogta waxay mas’uul ka tahay madaxbanaanida iyo midnimada, cidii midnimadaas halis ku ah waxay xaq u leedahay wax kasta awood ah inay isticmaasho” ayuu yiri Jen. Guulwade Wareysi uu siiyay Barnaamijka Garnaqsi ee soo saaraha ka yahay Wariyaha rug-cadaaga ah Yuusuf Xasan oo ka baxa Shabelle TV.

Sanadkii 1988 ayay aheyd markii dowladdii Milateriga ay diyaarado ku garaacday Hargeysa, xilli ay socdeen dagaalo u dhaxeeyay Jabhadii SNM iyo dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

Maxamed Siyad Barre waa uu ku saxnaa in uu dagaal ku Qaado somaliland

Janaraal Cabdiraxmaan Guulwade oo sheegay in jabhadii Waqooyi galbeed uu soo ambabixiyay Mingistihii Itoobiya, dowlad kastana uu saaraan yahay waajibka ilaalinta madaxbanaanida dalkeeda

Slået op af Shabelle TV i Tirsdag den 21. januar 2020

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here