Sawirro Taliyaha Booliiska DF oo Jabuuti tababar ugu soo xiray Ciidamo boolis ah

xijaar taliyaha booliiska

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Xijaar ayaa Magaalada Jabuuti ee Caasimada dalkaasi Jabuuti wuxuu tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Ciidankaan ayaa muddo saddex bilood ah tababar ku qaadanaayay dalkaasi Jabuuti, ugu dambeyna maanta ayaa loo soo xiray tababarka.

Saraakiil ka tirsan Booliska dalka Talyaaniga ayaa tababarkaan bixinaayay, waxaa wehlinaayay Saraakiil u dhalatay dalka Jabuuti.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa saraakiisha Ciidamadaan kula dardarmay in ay cashirada ay barteen mudadii ay tababarka jireen uga faa’iideeyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamadan tababarka loo soo xiray ayaa la filayaa in ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho oo ay ka qayb galaan feestada Ciidamada Booliska oo bishan gudaheeda dhaceyso.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay ku dadaalayso dhismaha Ciidanka Soomaaliya,si looga si hormar looga gaaro dhismaha iyo dib u dhiska Ciidanka Xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here