Jeneraalka laf-dhabarka u ahaa Iran oo Mareykanka uu dilay, Waa kuma Qaasim Suleymaani?

Qaasim Suleymaani

Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in ay duqeyn dhanka cirka ah ku dishay Jeneraal Qaasim Suleymaani Soleimani oo ahaa madaxa cutub kamid ah ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iran oo lagu magacaabo Qudus.

Ciidamada Qudus ayaa ah ciidan qaabilsan hawlgalada dibadda, kana tirsan ciidamada dalka Iran.

Wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa sheegtay in dilka Qaasim Sulaymaani uu amray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump. Soleimani ayaa lagu dilay meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha ee Baqdad ee dalka Ciraaq.

Haddaba waa kuma Jeneraal Qaasim Sulaymaani?

.
Qasem wuxuu aad ugu dhawaa hogaamiyaha Iran

Qaasim Sulaymaani waxaa uu dhashay sanadkii 1957, wuxuuna hadda madax ka ahaa ciidamada Qudus.

Qaasim wuxuu caan ka ahaa gudaha dalalka Iran, Ciraaq, Lubnaan, Suuriya iyo Yemen oo ah dalal ay ku nool yihiin dadka heysta madhabta shiicada, waxaana aad u xurmeyn jiray hogaamiyeyaasha dalka Iran iyo dadka shiicada.

Ciidanka uu madaxda ka ahaa ee Qudus waxay ahaayeen ciidamo qaabilsan hawlgalada dibadda, gaar ahaan dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Yemen, waxayna si toos ah uga mar qaataan hogaamiyaha Iran.

Ciidamada Qudus waxay hawgalo ka sameyaan meelo ka baxsan xuduuda dalka Iran, waxay taageero buuxda u muujiyeen Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad, xilligii ay xoogaga mucaaradka Suuriya qabsadeen qeybo badan oo kamid ah dalkaas.

Ciidamada Qudus ayaa sidoo kale gudaha dalka Ciraaq kula dagaalameen kooxda ISIS, waxayna ku guuleysteen in ay ka saaraan deegaano badan.

Wuxuu astaan muuqata u ahaa saameynta sii kordheysa ee Iran, gaar ahaan bariga dhexe oo ay ku loolamayaan xulafada Sacuudiga iyo Iran.

Goormuu awood yeeshay Qaasim Sulaymaani?

Qaasim Sulaymaani wuxuu ahaa madaxa ciidamada Quds
Qaasim Sulaymaani wuxuu ahaa madaxa ciidamada Quds

Qaasim Sulaymaani waxaa uu ciidamada Quds madax ka noqday sanadkii 1988, balse xilligaas ma uusan ahayn nin aad loo garanayay, waxaana uu gacan weyn ka geystay xoojinta xiriirka Iran ay la leedahay ururuka Xisbullah, Dowladda Suuriya iyo maleeshiyaadka shiicada ee dalka Ciraaq.

Sanadihii dambe, Qaasim Sulaymaani wuxuu aad ugu dhawaa hogaamiyaha ruuxiga ee dalka Iran Ayatollah Ayatollah Cali Khameni.

Intii uu madaxda ka ahaa ciidamada Qudus, waxay awood u yeesheen in ay ballaariyaan awoodooda dhanka milateriga, sirdoonka, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Sulaymani waxaa uu ka dhashay qoys sabool ah oo ka soo jeeda bariga dalka Iran, waxaana uu shaqo bilaabay isagoo 13 sano jir ah, si uu u caawiyo qoyskooda.

Xilliyada fasaxa waxaa la sheegay in uu sameyn jiray jimicsi jir dhis ah, waxaana uu sidoo kale aad u dhageysan jiray khudbadaha hogamaiyaha ruuxiga ee dalka Iran.

Wargeyska the Foreign Policy ayaa kusoo warramay in isagoo dhalinyaro ah uu ku biiray milateriga dalka Iran sannadkii 1979, waxaana la sheegay in uu kasoo qeyb qaatay dagaalkii dhexmaray dalalka Iran iyo Ciraaq, xilligaas oo dalka Iran looga aqoonsaday “nin geesi ah”.

Saameynta ciidamada Quds

Ciidamada Qudus
Ciidamada Qudus

Sanadkii 2005, markii dib loo soo dhisay Dowladdii Ciraaq, Qaasim Sulaymaani wuxuu saameyn siyaasadeed ku yeeshay dowladii uu hogaaminayay ra’iisul wasaarihii hore ee Ciraaq, Nouri al-Maliki.

Markii ay dagaalada sokeeye ka bilawdeen dalka Suuriya, waxaa uu ciidamadiisa ku amray in ay gudaha u galaan Suuriya oo ay difaacaan dowladda madaxweyne Bashar Al Asad.

Qaasim Sulaymaani wuxuu dhowr jeer ka badbaaday isku day di oo ay soo maleegeen Israel iyo qaar kamid ah dalalka Carabta. Dhowr jeer waxaa la sheegay in uu dhintay, inkastoo markii dambe la xaqiijiyay in uu nool yahay.

Sannadkii 2006, waxaa la sheegay in Sulaymaani uu ku dhintay diyaarad ku burburtay waqooyiga galbeed ee dalka Iran. Sidoo kale sanadkii 2012 waxaa lasoo wariyay in uu ku dhintay qarax ka dhacay caasimadda Suuriya ee Dimishiq, halkaas oo ay ku dhinteen saraakiil sarsare oo aad ugu dhawaa madaxweyne Bashar Al Asad.

Dowladda Iran ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii hore sheegtay in ay fashilisay qorshe la doonayay in lagu khaarajiyo Qaasim Sulaymaani, waxaana warbaahinta dalka Israel ay dhowr sano kahor kusoo warrantay in Israa’iil ay dhowr jeer isku dayday in ay khaarajiso Qaasim Sulaymaani.

XIG: BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here