Jeneral Odowaa oo gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo

general odowaa

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odowaa Yuussuf Raage oo mudooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa degmooyin ka tirsan gobolka Gedo ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaas.

Taliyaha ayaa ka soo baxay degmada Doolow, isagoo soo maray degmooyinka Beled-Xaawo iyo Luuq oo ka wada tirsan gobolka Gedo, waxuuna haatan ku suganyahay Garbahaarey.

Socdaalka uu Taliyuhu ku tegay magaaladaas waxaa ku wehliyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo ee hoos taga dowladda federaalka, sida guddoomiyaha gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Mucalimow, iyo saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo ayaa socdaalkaas ku macneeyay mid lagu xoojinayo dhismaha ciidamada milateriga Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya iyo sidoo kale dhiiragelinta ciidamada ay dowladu geysay gobolkaas.

Waxay sheegeen in socdaalkan uusan xiriir la lahayn arrimo siyaasadeed iyo xiisadda gobolka.

Maamulka Jubbaland oo horay uga hadlay socdaalka Taliyaha milateriga uu ku tegay gobolka Gedo iyo ciidamada ay dowladda federaalku ku daabushay ayaa tallaabooyinkaas ku tilmaamay duullaan ay gobolkaas ku soo qaaday dowladda Soomaaliya.

Maalmihii lasoo dhaafay dowladda federaalka ayaa ciidamo hor leh geysay degmada Doolow iyo duleedka degmada Ceel-waaq oo ah halka degmo ee gobolka Gedo uga jirta gacanta Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here