Joe Biden muxuu ka yiri Soomaalida?

joe biden

Waxaa doorashadii dalka Mareykanka ku guuleystay musharixii xisbiga dimuqraadiga, Joe Biden. Mr Biden ayaa doorashada madaxtinimada Mareykanka kaga adkaaday madaxweynaha talada haya, Donald Trump, inkastoo uusan aqbalin natiijada doorashada. Waxaan halkan idin kugu soo gudbineyaa hadalla uu hadda ka hor Biden ka sheegay Soomaalida Mareykanka.

Joe Biden oo muddo sideed sano ah soo ahaa madaxweyne ku xigeenka Mareykanka xilligii BarracK Obama ayaa sanadkii 2015-ka mar uu Aqalka Cad ku martiqaaday bulsho Muslimiin ah oo ay Soomaalida ku jirto waxaa uu ka hadlay xiriirka kala dhaxeeya dadka kasoo jeeda geeska Afrika ee ku nool Mareykanka. Mr Biden waxaa uu xilligaas sheegay in maamuulkiisi uu xiriir wanaagsan la sameynayay bulshada Soomaalida ee ku nool gobolkaas, isagoona soo hadal qaaday xiriirka gaarka ah ee isaga kala dhaxeeya Soomaalida.

” Soomaalida yar ee ku nool magaalada aan kasoo jeedo ee Delware waa ay muuqdaan, annigu gaar ahaan waxaan xiriir wanaagsan la leeyahay Soomaalida ku nool magaaladaas haddii aad ii raacdo halka laga raaco tareenka, waa ay joogaan oo takaasiley ayay ka yihiin halkaas, xiriir wanaagsan ayaa iga la dhaxeeya” ayuu yiri Joe Biden, madaxweynaha la doortay ee Mareykanka oo sanadkii 2015-ka ka hadlayay Aqalka Cad shir lagu qabtay.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in saaxiibo uu ku leeyahay Soomaalida ku nool Mareykanka, taasina ay tahay arrin dhab ah. Biden waxaa uu markaasi sidoo kale sheegay in Soomaalida ay qaab muhaajiriin ahaan ah kusoo galeen Mareykanka, haddana ay ka dhigteen gurigooda. Waxaa uu xilligaas ka qeybgalayay shirweyne looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa tashkiilinta dhallinyarada ku biiray kooxaha Islaamiyiinta.

Markii uu hadalkaas jeedinayay ayaa dadkii kulankaasi lagu martiqaday waxaa kamid ahaa Soomaali, kuwaas oo ka qeybgalayay shirweynaha looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa xagjireynta caruurta.

Madaxweynaha uu xilka kala wareegayo ee Donald Trump ayaa horay Soomaalida ku nool Mareykanka, gaar ahaan Minesota ku tilmaamay qaxooti kusoo qulqulay gobolkaas, haddii la doortana wax uu ka qaban doona arrintaas.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sidoo kale Soomaaliya ku daray liiska dalalka muwaadiniintooda laga mamnuucay inay Mareykanka yimaadaan, waxaan uu na joojiyay qaxootigii Mareykanka uu siin jiray dib u dejinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here