JUBALAND: Farmaajo waa inuu ka dhex baxaa hanaanka doorashada

calanka jubbaland

JUBALAND ayaa soo saartay shan qodob oo xasaasi ah oo ku saabsan doorashada Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qoddobada oo dhameystiran;

1. Dowlada Federaalka ee xiligeedu dhamaaday inay garowsho iyo raalli-gelin ka bixiso tallaabooyinka gurracan iyo waxyeelada ay u geysatay muwaadiniinta iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka.

2. In la isugu yimaado shir ay kasoo qayb gelayaan dhamaan saamlleyda siyaasadeed ee dalka.

3. In goobta uu shirkaas ka dhacayo noqoto goob amnigeedu lagu kalsoonaan karo, mas’uuliyadeeduna lahaato beesha caalamka.

4. In la helo damaanad-qaad ku aadan fulinta natiijada shirkaas.

5. In Madaxweynuhu Federaalka ee waqtigiisu dhamaaday ka dhex baxo oo uusan door ku yeelan hannaanka doorashooyinka, si loo helo kalsoonida dhamaan saamileyda siyaasadeed” ee dalka.
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here