Jubaland: “Farmaajo wuxuu Muqdisho ka billaabay arrin u horey u sameeyey oo kale”

Axmed Madoobe3

Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa si weyn u dhaleecaysay falalka ka dhacay xalay iyo saaka magaalada Muqdisho. Isla markaa, Dowlada Jubaland waxay tacsi u dirtay dhamaan shacabkii wax yeelada, dhaawaca iyo dhimashadaba leh, kasoo gaadheen falalkaas foosha xun ee xalay iyo Saaka ka dhacay Caasimada dalka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowlad goboleedka Jubbaland ayaa si weyn looga hadlay weerarkii xalay lagu qaaday hoteelka ay deganaayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh

Jubbaland ayaa ku tilmaamtay falkaasi ku tumasho sharci iyo xukuumadda ay u adkeysan weysay banaanbax nabadeed ka dibna loo adeegsaday Ciidanka dowladda dhexe ee Soomaaliya oo lagu tala galay dagaalka Al-Shabaab.

Dowlada goboleedka Jubaland waxay nasiib daro u aragtaa in Dowlada Federaalka ah ee wakhtigeedu dhamaaday, iyadoo awoodi kartay in ay ka shaqayso sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa kala duwanaanshaha afkaaraha, inay qaaday tallaabooyin gurracan oo ay ciidankii dalka u isticmaashay si ka baxsan sharciga, si lamid ah siday ka samaysay Gobolka Gedo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Jubaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here