Jubaland oo bilowday hawlgal ka dhan ah Niqaabka Haweenka

xijaab Kismaayo

Ciidanka Booliiska Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ka bilaabay hawlgal haweenka looga joojinayo xirashada indha-shareerka.

Wadooyinka magaalada Kismaayo ayaa saaka lagu arkayaa gabdho ka tirsan Ciidanka Booliiska Jubaland, kuwaas oo haweenka shareeran ku amraya in ay bixiyaan niqaabka, si wejigooda loo arko.

Maamulka Jubaland ayaa hore u mamnuucay in degaannadooda lagu xirto niqaabka haweenka, kaas oo ku tilmaameen mid halis gelin kara Amniga magaalooyinka Jubaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here