Jubaland oo faahfaahin ka bixisay daawicii xalay loo geystay guddoomiyaha guddi Badbaadada Jubaland

calanka jubbaland

Af-hayeenka laamaha Amniga dowlad goboleedka Jubaland ayaa faahfaahin ka bixiyay nabaddoon caan ah oo xalay lagu dhaawacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaar ah ee Jubaland.

Nabaddoonka oo lagu magacaabo Axmed Jaamac Qalyar islamarkaana ahaa guddoomiyaha guddi la baxay Badbaadada Jubaland oo ay samaysteen musharrixiinta isbeddel-doonka xilligii ay socotay doorashada Jubaland oo fiidnimadii xalay lagu dhaawacay gudaha magaalada kismaayo.

Af-hayeenka laamaha Amniga Jubaland ayaa malayshiyaadka Al-shabaab ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen dhaawaca loo gaystay nabaddoonka waxaana uu tilmaamay in xaaladdiisa caafimaad ay ka soo raynayso.

Sidoo kale wuxuu sheegay in lagu raad-joogo dableeydii falka gaystay oo goobta ka baxsaday isagoo bulshada Jubaland ugu baaqay in ay ciidamada ka gacan-siiyaan sugidda Amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here