Jubaland oo ka hadlay ciidankii ay DF Soomaalihya geysay gobolka Gedo

calanka jubbaland

Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa si kulul looga hadlay ciidamadii ugu dambeeyey ee ay shalay dowladda dhexe ku daabushay qeybo ka mid ah gobolka Gedo oo dhaca koonfurta dalka Soomaaliya.

Qoraalka Jubbaland kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in ay nasiib darro tahay in dowladdu ay ciidamo & hub geyso gobolka Gedo oo ay xilligan ka jirto abaar baahsan.

Jubbaland ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay in xilligan oo lagu jiro marxalad kala guur ah ay tahay ayaan darro aad u weyn in colaad laga sii horiyo gobolka Gedo.

Sidoo kale Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in wixii mas’uuliyad ah ee ka dhasha dhaq-dhaqaaqaasi uu qaadi doono madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, sida ay hadalka u dhigtay.

“Haddaba Jubbaland waxay caddeyneysaa mas’uuliyadda wixii ka dhasha gulufkaas colaadeed uu qof ahaan yeelan doono madaxweynaha waqtigiisii dhammaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), ayna noqon doonto xad-gud aan weligiis ka harin,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowlad goboleedka Jubbaland.

Ugu dambeyn Jubbaland ayaa sheegtay in la’iska indho-tiray baaqyadeedii hore, ayna arrintan carqalad ku noqon doonto heshiisyadii la gaaray iyo wada-hadallada socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here