Jubaland oo ku dhowaaqday dagaal Ciidanka Qaranka ka dhan ah

Axmed Madoobe3

Jubaland ayaa qoraal ay kasoo saartay xaaladda gobolka Gedo ku sheegtay in markan ay diyaar u tahay inay is-difaacdo ayada oo ku eedeysay madaxweyne Farmaajo iyo NISA inay colaad ka hurinayaan gobolka.

“Dowlad Goboleedka Jubbaland waxay aad uga xuntahay xaaladda murugsan ee muddada dheer ka jirtay gobolka Gedo, taasoo cadeyneysa in Madaxweynaha Soomaaliya iyo hay’adda Nabad sugidda oo isticmaalaya magaca Qaranka Soomaaliyeed iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed in ay colaad kaga abuureen gobolka Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, arrintaas oo muddo sanad ah taagneyd,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Jubaland ayaa sheegtay in dowladda federaalka ay iska indho tirtay go’aano is-daba joog ah oo ay beesha caalamka kasoo saareen, oo loogu baaqayey inay qaboojiyaan xiisadda gobolka.

Waxay intaas ku dartay in taa beddelkeed ay dowladda ciidan hor ku daabushay gobolka.

“Waxa nasiib darro ah in maalmihii la soo dhaafay ay Dowlada Federaalku hub iyo ciidan kusii daabulayeen gobolka Gedo, taasoo ujeeddadooduna tahay in ay dadka deegaanka ka dhex abuuraan dhibaatooyin iyo dagaallo sokeeye,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Dowlad Goboleedka Jubbaland iyadoo xeerineysaa Qaranimda iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, mas’uulna ka ah amniga gudaha deegaanada Dowlad Goboleedka Jubbaland, waxay ummadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in cidkasta oo khal-khal iyo deganaansho la’aan ka abuureysa deegaanadda Dowlad Goboleed-ka Jubaland si mideysan ay isaga difaaceyso iyadoo kaashaneysa shacabkeeda,” ayey tiri Jubaland.

Jubaland sheegtay in cawaaqib xumada ka dhalata xaaladaas ay masuuliyadeeda dusha ka saaran tahay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee waqtigiisu dhammaadka yahay.

Hoos ka aqriso qoraalka Jubaland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here