Jubaland oo mowqif kasoo saartay shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku baaqay 15-ka Febraayo

calanka jubbaland

Maamulka Jubaland ayaa maanta war kasoo saaray shirkii uu xalay iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, kaasi oo uu isugu yeeray dowladda federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland ayaa waxa lagu sheegay in dowlad goboleedka Jubbaland ay soo dhaweynayso shirka wada-tashiga ah ee uu ku baaqay Farmaajo, balse maamulka Jubaland ku talinayo in shirka lagu qabto magaalada Muqdisho, islamarkaana la balaariyo, iyada oo laga qeyb gelinayo saamileyda siyaasada.

“Dowladd goboleedka Jubaland waxay soo dhaweyneysaa shirka wadatashiga ee la soo qorsheeyay inuu qabsoomo 15-ka Febraayo . Si kastaba, Dowlada Jubaland ayaa ku talineysa in kulanka lagu qabto magaalada Muqdisho, ayna ka qeyb galaan dhamaan daneeyayaasha siyaasada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Jubaland.

Mowqifka Jubaland ayaa la mid ah midkii ay xalay shirka ka qaadaty Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here