Jubaland, Puntland, Cabdi Xaashi iyo musharaxiinta oo ku dhowaaqay isbaheysi cusub

Mucaaradka Deni Madoobe

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagaga dhawaaqay isbaheysi cusub oo siyaasadeed, oo lagu magacaabo ‘Golaha Badbaado Qaran’, kaasi oo ay qeyb ka yihiin qaar kamid ah maamulada dalka iyo musharaxiinta mucaaridka.

Isbaheysigan ayaa waxaa ku mideysan Madaxda Jubbaland iyo Puntland, Midowga Musharaxiinta mucaaridka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sarre oo qeyb ka ah Golaha siyaasiyiinta Waqooyiga.

Golaha Bad-baadada Qaran ayaa waxa uu ka shaqeyn doona sidii dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana dalka looga bad-baadin lahaa doorasho boob ku dhisan iyo ka hortaga in dalku uu galo fashil siyaasadeed oo horseedi kara bur-burka dowladnimada, sida ay sheegen.

Waxaa hogaaminaya golahan oo guddoomiye looga dhigay Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi Cabdillahi, waxayna xubnaha ku midoobay golahaan si weyn uga soo horjeedaan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday inuu sii joogo tallada dalka.

Sidoo kale Madasha Badbaado Qaran ayaa waxay golaha hogaaminta sarre u dooratay Guddoomiye Cabdi Xaashi, Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

“Madaxda kulamada yeeshay oo intii muddo ahayd waqti badan geliyey in heshiis loo dhan yahay laga gaaro sidii ay Dalka uga qabsoomi laheyd doorasho wada-ogol ah, waxaa u cadaatay in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu caqabad ku yahay inay dalka ka qabsoomto doorasho wada-ogol ah, si nabada ahna ku dhacda, kadib markii uu si joogta ah u carqaladeeyay heshiiskii 17-ka September 2020-ka” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha.

Waxay ku eedeyeen madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday inuu fashiliyey shirkii Dhuusamareeb-4, isagoo kasoo baxay shirkii oo socda 5tii February ee sanadkan si uu uga hordhaco inaan heshiis laga gaarin caqabadaha fulinta heshiiskii 17-kii September ee 2020-ka.

Sidoo kale waxay ku eedeyen Farmaajo inuu ciidamada dowladda u adeegsado dano gaar ah oo ku carqaladeynayo qabsoomida doorashada, iyagoona sheegen in uu is-hortaag ku sameeyay shirar wada-tashi oo ay madaxda wada-tashiga qaran iskugu yimaadeen, islamarkaana uu ku tuntay qoddobo muhiim ah oo dastuurka KMG ah.

Golahaan oo ay ku midoobeen siyaasiyiin miisaan culus leh ayaa waxa uu noqonayaa Golihii ugu horeeyay ee noociisa ah oo laga sameeyo Soomaaliya tan iyo intii ay ka baxday kumeel-gaarka.

Arrintaan ayaa imaneysa, ayada oo beesha caalamka ay dadaal ugu jirtay in miiska wada-hadalka la isugu keeno dhinacyada isku haya doorashada, waxayna muujineysa tallaabadan maanta inaysan xiligan suurta-gal aheyn in la gaaro heshiis wada-ogol ah.

Hoos ka aqriso qoraalka laga soo saaray ku dhowaaqista isbaheysiga cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here