Jubbaland iyo Puntland oo noqday maamuladii u horeeyay ee soo magacaabay xubnihii guddiyada doorashada

Deni iyo Madoobe

Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa noqday maamuladii u horeeyay ee soo magacaabay xubnihii guddiyada doorashada, maalmo uun kadib markii magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiiskii doorashada.

Axmed Madoobe ayaa 1-dii bishaan Jun u gudbiyey xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta xubaha maamulka Jubbaland uga mid noqonaya guddiyada doorashooyinka heer federaal, heer dowlad-goboleed iyo xallinta khilaafaadka.

Xubnaha uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa tiradoodi dhameyd 12-qof oo guddiyada doorashada ku meteli doona Jubbalanad, kuwaas oo uu sheegay inuu magacaabistooda u cuskaday la tashiyo uu sameeyey iyo fulinta heshiiskii 17-kii September.

Sidoo kale, Wareegto kasoo baxday 2-dii bishaan xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa iyadana lagu magacaabay xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal ku meteli doona maamulka Puntland, kuwaas oo gaaraya siddeed xubnood.

Warqadda uu madaxweyne Deni ku soo magacaabay xubnahaan ayaa lagu socodsiiyey Xafiiska ra’iisal wasaare Rooble, iyadoo lagu cadeeyey in ogaansho ay ka heysato xafiiska madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.

Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa noqonaya maamuladii u horeeyay ee soo magacaaba xubnaha guddiyada doorashada, ayada oo ilaa hadda aysan xubnahooda soo gudbin maamulada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here