Jubbaland oo laga reebay maamul goboleedyada ay DF Somalia lacagaha u dirtay

Axmed Madoobe3

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee Jubbaland, ahna guddoomiyaha guddiga ka hortagga cudurka Covid-19 ee maamulkaasi, Mudane Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay in aysan weli heli lacagihii min halka milyan ee ay dowladda federaalka sheegtay inay u fasaxday maamul goboleedyada dalka.

Darwiish oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ayaa carabka ku dhuftay in ay akoonkoooda ka fiiriyeen lagactaasi oo loogu talagalay la dagaalanka cudurka Coronavirus, balse ay ka waayeen, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka maamul ahaan aysan haysan dhaqaale ay haatan kula tacaalaan ka hortagga iyo xakamaynta xanuunka oo ah mid saf-mar ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in aan la siyaasadeyn dagaalka lagula jiro cudurkaan oo saameyn ballaaran ku yeeshay caalamka.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan khilaaf siyaasadeed uu u dhexeeyo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, kaas oo saameeyey wada shaqeynta labada dhinac.

Soomaaliya oo ah dal soo koraya ayaa waxaa fara ba’an ku haya Covid-19, waxaana laga xaqiijiyey kiisas ku dhow illaa 300 oo qof oo badi ku sugan magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here