Jubbaland oo sheegtay in DF Soomaaliya ay guluf ciidan kula wareegtay Gobolka Gedo

calanka jubbaland

Wasiirka warfaafinta Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Axmed oo u warramay warbaahinta ayaa si kulul uga hadlay dhaq dhaqaaqyada ay dowladda federaalka Soomaaliya ka wado gobolka Gedo ee hoostaga maamulkaasi.

Wasiirka ayaa ugu horreyn soo hadal qaaday qabsashada degmooyinka Beled-Xaawo iyo Luuq oo ay saacadiihii la soo dhaafay ay la wareegeen ciidanka dowladda, wuxuunta tilmaamay in magaalooyinkaasi ay hadda ka baxeen gacanta maamulka Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey dowladda dhexe inay isku ballaarineyso gobolka Gedo, iyada oo ka leh dano siyaasadeed oo ka dhan ah maamulkaasi, siduu hadalka u dhigay.

Cabdi Xuseen Sheekh Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegay in Jubbaland aysan dooneyn gacan ka hadal iyo in dagaal uu ka dhaco gobolkaasi, isaga oo ka digay dhaq dhaqaaqyada ciidamada dowladda ee haatan ka socda gobolkaasi Gedo.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladdu aysan dooneyn inay la dagaalanto Al-Shabaab, balse ay rabto kaliya inay burburiso Jubbaland.

Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo u dhexeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ka socdeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Shalay ayey sidoo kale aheyd markii wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo baxsad ka ah dowladda uu gaaray degmada Beled-Xaawo, kaas oo markii dambe uga sii gudbay dhinaca magaalada Mandeera oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here