Kamaal Guutaale oo u hambalyeeyey Madaxweyne Qoor Qoor

kamaal guutaale

Kamaal Daahir Guutaale oo ka mid ahaa musharaxiintii u taagnaa qabashada xilka madaxweynaha Galmudug, ayaa goor dhaw war kasoo saaray mowqifkiisa ku aadan doorashadii shalay ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee lagu doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Kamaal Guutaale, oo ka mid ahaa musharaxiinta mucaaradka ee qaadacay doorashada, ayaa cadeeyey in uu tanaasulay, una hambalyeeyey Qoor Qoor.

Hoos ka aqriso qoraalka Kamaal Guutaale oo dhameystiran

Waxaan halkaan mahad celin balaaran iyo qadarin kal iyo laab ah oga jeedinayaa dhamaan intii igu dhiirra gelisay, gacan igu siisay, igala shaqeysay ololihii aan ugu jiray inaan hogaamiyo Dowlad Goboleedka Galmudug ee aan runtii jecleen in gobolkaas dhibaatadu ragaadisay aan Hal mar dowladnimo ka hirgelinno, kuna fariisinno nidaamka dowliga ah soona afjarno khilaafka ragaadiyey. Teamkii ila shaqeeyay waxaan lee yahay kartidiinna iyo wanaagiinna reer Galmudug way idin arkeen, waxaana rajeynayaa in Galmudug si hagar la’aan ah aad ugu sii shaqeysiin, welina waa ay idiin baahan tahay.

Mahad celin kadib, waxaa shalay soo idlaaday ololihii aan aniga iyo teamkaygu ku dooneynay inaan hagaaminno Galmudug, intii aan ololaha ku jirnay muddo 5 bilood ah waxaan qabnay aragtiyo ku aadan sida loo dhisayo Galmudug, nasiib darro mar walba Dowladda Federaalka ah isku dhinac wax kama aanan arkeyn.

Aniga iyo Saaxiibo badan oo aan musharixiin wada aheyn waxaan si joogta ah u soo bandhigeynay aragtideenna ku aadan sidii loo sixi lahaa hannaanka dowlad dhiska, waxaan dowladda oga aragti duwaneyn qaabkii lagu wajahay muddadii xil heynta ee Madaxweyne Ahmed Gelle Duale Xaaf, waxaan oga aragti duwaneyn sida ay u xagal daacineysay shirkii NABADDA ee Hobyo, waxaan oga aragti duwaneyn sidii ay u fulisay heshiiskii Ahlusunna waljamaca, waxaan oga aragti duwaneyn sidii ay ciidanka Federaalka ah iyo kuwa ajnabi ahba ugu soo daabushay magaalada Dhusamareb, waxaan oga aragti duwaneyn sidii ay u soo dhistay Guddigii farsamada ee doorashooyinka, waxaan oga aragti duwaneyn sidii Odayaasha loo xulay, waxaan oga aragti duwaneyn sidii Barlamaanka loo musuqay, waxaan sidoo kale qaadacnay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Dhusamareb.

Intaas oo kale aragti duwanaansha ah mid walba xilligeedii waana ka hadleynay, sida ay noogu muuqato xalkana waan soo bandhigeynay, waxaan sidoo kale ku dul shaqeyneynay innaga oo mar walba tanaasuleynay sidii ay Dowladdu markaas rabtay, dad badan oo reer Galmudug ah waa ay nooga aragti duwanaayeen inaan xaaladaas qallafsan aqbalno waxeyna nalahaayeen ha yeelina, qaar kale way nagu ammaaneen wayna nagu dhiirageliyeen tanaasulaadkii aan sameynay.

Aniga oo hoosta ka xarriiqaya ineysan marnaba Dowladda Federaalka ah wax tanaasul ah ka sameyn qodob walba oo la isku qabtay mudadii Galmudug la dhisayay ayaan haddana sidii caadada noo aheyd waxaan rabaa halkaan inaan ka caddeeyo inaan ku dul shaqeeyo natiijadii shalay ka soo baxday Dhusamareb, una tanaasulo danta guud ee reer Galmudug.

Waxaan halkaan ka soo dhaweynayaa Madaxweyne Ahmed Abdi Kaariye ilaahayna oga baryayaa inuu ku asturo xilka muhiimka ah ee reer Galmudug uu u qaaday, waxaan ugu baaqayaa inuu wax ka badalo hab-dhaqankii Dowladii uu wasiirka u ahaa, u howl galo sidii la isugu keeni lahaa garabyada maanta ku hartamaya Galmudug, uu dhaqan ka dhigto tanaasul iyo dad isku wad si loo gaaro Galmudug mideysan, loo dhan yahay oo isku Dan ah.

Waxaan halkaan ammaan gooni ah oga jeedinayaa culimaa’udiinka Ahlusunna waljamaaca oo reer Galmudug marnaba waxa ay mudan yihiin aanan kala kulmin, tanaasulaadka ay sameeyeenna aan la qiimeyn, inta aan ka arkay waxaan aaminsanahay iney yihiin dadka ugu jecel in la dhiso Galmudug mideysan, dhaqaaqda oo taabagasha.

Wabillahi Towfiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here