Kaniisad ku taalla Berlin oo albaabada u furtay Muslimiinta

muslimiin germany

Kaniisad ku taalla magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa albaabada u furtay Muslimiinta si ay salaadda ciidda ugu guddaan. Waxay ka dambeysay markii masaajidda ay buux dhaafeen maadama lagu amray dadka inay kala fogaadaan marka ay tukanayaan si loo xakameeyo faafitaanka fayriska Corona.

Sida cadiga ah masaajidka Dar Assalam ee ku yaalla magaalada Berlin waxaa hal mar kuwada tukan karta boqolaal Muslimiin ah, balse dowladda Jarmalka ayaa soo rogtay in dadka ay kala fogaadaan 1.5 mitir taasoo qeyb ah xayiraadaha ay soo rogtay dowladda. 50 qof oo kali a ayaana hadda loo oggol yahay inay hal mar galaan masaajidkaasi.

Sidaa darteed ayay kaniisadda Martha Lutheran albaabada u furtay Muslimiinta si ay ugu tukadaan gudaha kaniisadda.

” Waa tallaabo wanaagsan oo ina faraxad gelisay.,” ayuu yiri imaamka masaajidka Maxamed Taha Sabry. “

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here